Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday in maalinta Talaadada la fulin doono xukun toogasho ah oo lagu riday Hodon Maxamuud Diiriye, oo horay loogu helay dambiga dilka marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdiraxmaan. Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Puntland, lana taariikheeyay 03/01/2026, ayaa lagu sheegay in dhammaan habraacyadii sharciga la dhameystiray, isla markaana la ansixiyay fulinta xukunka dilka. Sida ku cad go’aanka, toogashada ayaa ka dhici doonta magaalada Gaalkacyo, subaxnimada Talaadada 02/03/2026 saacadda 08:00, iyadoo la fulinayo qodobka 248-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Maxkamaddu waxay sheegtay in eedeysanaha lagu helay dambiga dilka Saabiriin Saylaan, kadib…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si rasmi ah u sii daayay Senator Ilyaas Badal Gaboose, oo u xirnaa tan iyo dib u doorashadii Madaxweynaha, taas oo ah tallaabo loo arkay mid lagu xoojinayo wadahadalka iyo dib u heshiisiinta siyaasadeed. Sii deynta Senator Ilyaas ayaa timid kaddib cadaadis iyo baaqyo badan oo uga imaanayay waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo ku baaqayay in la furo waddo cusub oo lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa Jubaland. Kadib sii deyntaas, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa martigeliyay kulan ballaaran oo ay ka qeyb galeen Senator Ilyaas…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay adkaysay baratakoollada amniga ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, kaddib xog sirdoon oo muujinayay khataro amni oo ka imaan kara dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo aan marin habraacyada sharciga ah. War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo waajibaadka dowladda ee ku aaddan ilaalinta badqabka muwaadiniinta, sugidda amniga guud iyo ka hortagga fal kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida caasimadda. Qoraalkaan kasoo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa daba socda kadib markii Maanta diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ka yimid maamul goboleedyada…
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta si kulul ugu cambaareeyay go’aan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku joojisay duulimaadyadii ka soo kala baxay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, kuwaas oo siday wufuud hordhac ah oo ka koobnaa masuuliyiin, saxaafad iyo ilaalo gaar ah oo ka socday maamulada Puntland iyo Jubaland. Golaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid mas’uuliyad-darro ah, isla markaana dhaawacaya dadaallada wada-hadalka iyo wadashaqeynta siyaasadeed ee dalka. Sidoo kale, GMS ayaa caddeeyay in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhigga u ahaa qabsoomidda shirka wada-hadalada oo ay qeyb ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiinta dhinacyada kala duwan.…
Xildhibaano iyo Senataro laga joojiyay Fadhiyada labada Aqal: Go’aan kasoo baxay Guddoonka {AKHRISO}
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa soo saaray go’aanno rasmi ah oo la xiriira in 20 Xildhibaan oo isugu jira Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare laga joojiyay fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka iyo sidoo kale fadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka, kaddib qalalaase culus oo ka dhacay kulan wadajir ah. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii 28-kii Janaayo, 2026, uu khilaaf iyo buuq hareeyay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal, kaas oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaano ka…
Puntland ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay sheegtay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku khatar geliyeen nolosha saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaas oo u safrayay magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in saraakiishaasi iyo ciidanka ilaalada Madaxweynaha Puntland ay u socdeen Muqdisho, iyaga oo hordhac u ahaa shir la filayay in halkaas ka dhaco, balse ay la kulmeen xaalad halis ah oo ka dhalatay go’aan ay qaadatay Dowladda Federaalka. Puntland waxay sheegtay in, inkastoo ay aqbashay ka-qaybgalka gogosha ay dhigtay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, haddana Madaxweynaha…
Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in amarka lagu celiyay diyaaradaha sidday ciidamada gaarka ah ee ka socday Puntland iyo Jubaland uu si toos ah uga soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in go’aankan uu sababay xiisad siyaasadeed oo degdeg ah, isla markaana Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay goordhow shir degdeg ah ka yeelan doonaan arrintan, si looga arrinsado saameynta siyaasadeed iyo amni ee ka dhalatay. Dhanka kale, ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in Xamse Cabdi Barre uu toddobaadyada soo socda soo…
Diyaarado siday ciidamo gaar ah oo ka socday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa hawada laga celiyay, xilli ay ku soo wajahnaayeen magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixisay amarka lagu joojinayo diyaaradahaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay go’aankan degdegga ah. Wararka la helayo ayaa sidoo kale xaqiijinaya in diyaarado rayid ah oo ka soo duulay Kismaayo iyaguna lagu amray in ay dib u laabtaan, taasoo sababtay jahwareer iyo walaac soo wajahay rakaabkii saarnaa iyo shaqaalaha garoomada. Ciidamadan la celiyay ayaa la sheegay in ay u socdeen sugidda amniga…
Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay gudaha magaalada Hawasa ee gobalka Sidama, dalka Itoobiya, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa dilkooda. Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay u joogeen magaalada Hawasa arrimo caafimaad, balse habeennimadii xalay ayaa wadada loo galay, halkaas oo lagu dilay si arxan darro ah. Sida ay sheegeen Soomaalida ku sugan magaalada Hawasa, labada qof ee la dilay midkood wuxuu ahaa oday, halka midka kalena ay ahayd haweeney. Wararku waxay intaas ku darayaan in loo adeegsaday tooreey kaddib markii ay casho ka doonteen maqaaxi ku taalla magaalada, balse dilka uu…
Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka la filayo inuu maalmaha soo socda ka qabsoomo gudaha xerada Xalane. Xubnaha Golaha ayaa dhammaantood soo gaaray caasimadda, waxaana shalay kusoo biiray Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee Golaha. Wararka laga helayo ilo ku dhow Golaha Samatabixinta ayaa sheegaya in kulankan diiradda lagu saaray: Wada-tashiyo ku aaddan shirka la qorsheynayo inuu ka dhaco Xalane…