Author: Banaadir24 Editor

Beesha Jaaljecel ayaa kulan aan caadi ahayn isugu timid, si ay uga arrinsato xiisadda dagaal ee ka taagan degaanka Yaaqbariweyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu sheegay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Cismaan Barre. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay odayaasha dhaqanka ee Beesha Jaaljecel, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen Ugaaska Guud ee Beesha, Ugaas Cabdiraxmaan, Ugaas Cabdullaahi, Ugaas Muxumed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hoggaanka iyo waxgaradka Beesha. Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay: Xaaladda guud ee dalka Midnimada iyo wadajirka Beesha Xallinta khilaafka ka taagan Yaaqbariweyne Arrimaha la xiriira amniga iyo dagaallada…

Read More

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ilaalada Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo watay hub culus. Ciidamadan ayaa loo qorsheeyay inay sugaan ammaanka Axmed Madoobe, oo la filayo inuu ka qeyb galo Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo ay wada joogaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu shirka kaga qeyb galayo xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde, halkii uu si toos ah u tegi lahaa xarumaha rasmiga ah ee dowladda, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawadeeda ka mamnuucday diyaaradda rakaabka ee Arkia Airlines, oo laga leeyahay Israa’iil, taas oo ku sii jeedday dalka Thailand, sida ay xaqiijiyeen ilo warbaahineed. Shirkadda Arkia ayaa sheegtay in go’aanka Soomaaliya uu ku qasbay in ay beddesho jihada duulimaadyadeeda, ayna adeegsan doonto hawada dalal kale halkii ay ka mari lahayd hawada Soomaaliya. War ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in cadaadiskan uu ka dhashay go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, taas oo ay sheegtay in uu sababay falcelin siyaasadeed oo ka timid Soomaaliya. “Waxaan beddelaynaa marinka hawada, balse duulimaadyadeennu waxba iskama beddelayaan,” ayay shirkaddu ku sheegtay…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay awood u yeelan doonaan in ay toos u toogtaan una adeegsadaan gantaallo casri ah burcad-badeedda Soomaaliya haddii ay ku soo dhowaadaan maraakiibta ku socda badaha caalamiga ah. Trump ayaa sheegay in go’aankan uu qayb ka yahay dadaallada Mareykanka ee lagu ilaalinayo amniga maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka ee mara Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. “Mareykanku ma oggolaan doono in burcad-badeeddu khatar ku noqdaan ganacsiga caalamiga ah. Haddii ay ku soo dhowaadaan maraakiibta, si degdeg ah ayaa loo beegsan doonaa,” ayuu yiri Trump. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in burcad-badeeddu ay weli…

Read More

Madaxda Sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa xilligaan walaac xoogan ka muujiyay boob lagu haayo dhul ay leedahay Jaamacadda oo kuyaalla Magaalada Muqdisho. Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeed kasoo baxay Raktarka Jaamacadda. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa hay’adaha dowladda, warbaahinta, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay jiraan falal burburin sharci-darro ah oo si joogto ah uga socda dhul ay si buuxda u leedahay Jaamacadda, kuna yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Go’aankan iyo digniintan sharci waxay Jaamacaddu ku salaynaysaa warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo…

Read More

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xilka uga qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage. Odowaa Yuusuf Raage, oo hore laba jeer u soo noqday taliyaha ciidamada milateriga, ayaa lagu beddelay sarkaal da’ yar oo lagu magacaabo Ibraahin Maxamed, kaas oo haatan loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Go’aankan ayaa lagu gaaray shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababaha ka dambeeya isbeddelkan hoggaamineed. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato hoggaanka iyo istaraatiijiyadda ciidamada dalka. Taliyaha cusub, Ibraahin…

Read More

Xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo gaaraya ilaa siddeed guddoomiye guddi joogto ah iyo habdhowre ku-xigeen, ayaa maanta kulan la leh Wakiillo ka socda Beesha Caalamka. Xubnahan ayaa ka soo baxay shirkii ugu dambeeyay ee Guddiga Joogtada, waxaana la filayaa inay kulan gaar ah la yeeshaan Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya. Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka iyo kala qeybsanaanta ka dhex jirta Guddiga Joogtada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shaqada Baarlamaanka iyo habsami u socodka howlaha sharci dejinta. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in xubnahan ay beesha…

Read More

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ka hadashay weerar lagu qaaday xilli ay khudbad jeedinaysay, iyadoo sheegtay in haddii aanay ilaalada ammaankeeda goobta joogin, ay iyadu si toos ah uga falcelin lahayd ninkii ku tuuray dareeraha. “Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa iyaaqan, way ogyihiin inaan dagaal ku fiicanahay,” ayay tiri Ilhaan, iyadoo hadal u jeedinaysay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis. Ilhaan ayaa sidoo kale ka jawaabtay hadallo uu madaxweyne Donald Trump ka yiri dhacdadaas, kuwaas oo uu ku muujiyay shaki, isla markaana sheegay in ay iyadu iskeed isu buufisay. Waxay sheegtay in Trump daqiiqado…

Read More

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray howlgal amni oo ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay gacanta ku dhigeen keyd miinooyin iyo walxo qarxa oo ay Al-Shabaab si qarsoodi ah u keydinayeen. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo ballaaran oo horey uga socday gobolka, kuwaas oo lagu ciribtirayo haraadiga Al-Shabaab, kadib markii dhawaan laga saaray deegaanno muhiim ah. Howlgalka ayaa ka dhashay xog sirdoon oo sugan, taas oo ciidanku ku heleen goob si qarsoodi ah loogu diyaarin jiray miinooyin iyo waxyaabaha qarxa. Miinooyinkan ayaa Al-Shabaab u…

Read More

Ciidamo wata cagaf-cagafyo ayaa maanta burburin ballaaran ka fuliyay Xaafadda Jaamacadaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku burburiyeen guryo iyo goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad shacab ah. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in hawlgalkan uu si kedis ah ku bilowday, iyadoo aan wax digniin ah horay loo siin dadka deegaanka, taasoo keentay in dad badan ay waayaan hoygoodii iyo Ganacsigoodii ay ku tiirsanaayeen nolol maalmeedkooda. Dadkii ay saameynta ku yeelatay ayaa sheegay in dhulalkan horey ay dowladdu lahayd, balse muddo dheer ay deganaayeen shacab, islamarkaana qaarkood ay iibsadeen si sharci ah ama heshiisyo ku saleysan. “Wax digniin ah…

Read More