Author: Banaadir24 Editor

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ku wajahan Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam iyo Saciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo wata ciidamo gaar ah oo sugi doona amnigooda inta ay ku sugan yihiin caasimadda. Labada Madaxweyne ayaa ka qeyb galaya Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo lagu qabanayo xeendaabka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Shirkan ayaa si gaar ah diiradda u saari doona: Arrimaha doorashooyinka dalka Dib-u-eegista iyo dhammaystirka Dastuurka La dagaallanka kooxda Al-Shabaab Xaaladda guud ee siyaasadda iyo amniga dalka Sida ay wararku sheegayaan, imaanshaha labada Madaxweyne ayaa kusoo aadaya xilli ay jireen khilaafaad siyaasadeed…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta safar hal maalin ah ku tago magaalada Godey ee Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ee Itoobiya. Safarkan ayaa imaanaya xilli shalay ay magaalada Godey gaareen Taliyeyaasha Hay’adaha Nabadsugidda ee dalalka Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo halkaasi u jooga diyaarinta shir heer gobol ah oo looga hadlayo amniga iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika. Sidoo kale, maanta waxaa magaalada Godey tegi doona: Madaxweynaha Jabuuti Madaxweynaha Kenya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hoggaamiyeyaashan ayaa ka qeyb galaya munaasabad xarig-jarka goob dalxiis oo cusub oo laga hirgeliyay duleedka magaalada Jigjiga, taas oo qayb ka ah…

Read More

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo katirsan Golaha Shacabka ayaa farriin adag u diray Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, xilli ay ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan kulamada Madasha Mustaqbalka. Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay labada hoggaamiye iyo ciidamadooda ilaalada ah inay muujiyaan feejiignaan dheeri ah, isla markaana aysan si buuxda ugu aaminin xaaladda amni ee Muqdisho. Waxa uu xusay in ay jiraan dad badan oo ku sugan caasimadda oo leh ciil, cuqdad iyo caro siyaasadeed, kuwaas oo halis keeni kara. Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa yiri: “Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland, Axmed…

Read More

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa farriin culus oo si toos ah u taabaneysa hoggaanka siyaasadda dalka u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha ka qeyb galaya shirka Golaha Mustaqbalka, isaga oo ku baaqay in si dhab ah loo maqlo codka shacabka iyo kan aqoonyahanka Soomaaliyeed. Sheekh Bashiir ayaa sheegay in siyaasiyiinta dalka intooda badan laga quustay, isla markaana aysan si dhab ah u metelin rabitaanka shacabka. Wuxuu ugu baaqay madaxda in ay shirka u furaan dad shacabka ka mid ah oo si daacad ah u hadli kara. “Siyaasiyiinta shiri doona runtiina waa laga quustay ee dad…

Read More

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaargarow ballaaran oo lagu soo dhaweynayo shirka la filayo in uu dhexmaro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Mucaaradka, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu helo is-afgarad ku saabsan arrimaha siyaasadda dalka. Shirkan ayaa waxaa saldhig u ah heshiis ay gaareen xubnaha guddiyada farsamo ee labada dhinac, kuwaas oo markoodii labaad kulan yeeshay si ay u dejiyaan qorshaha guud iyo jadwalka rasmiga ah ee wadahadallada. Guddiyadaasi ayaa isla qaatay qodobbo muhiim ah oo hagaya hanaanka shirka iyo mowduucyada diiradda la saari doono. Sidoo kale, wufuud hordhac u ah Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada ayaa ku soo wajahan caasimadda, halka…

Read More

Wararka naga soo gaaray deegaanka Baaldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay dileen wiil yar oo 7 jir ah, islamarkaana ay si xun u dhaawaceen aabihii dhalay. Warar madax-bannaan oo la xaqiijiyay ayaa tilmaamaya in qoyska la weeraray ay ahaayeen xoolo-dhaqato kasoo jeeda Degmada Cadaado, kuwaas oo ku sugnaa Baaldheer xilli uu weerarku dhacay. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee kooxda Al-Shabaab u beegsatay qoyskaas rayidka ah, iyadoo falkaasi uu si weyn u gilgilay dadka deegaanka. Dhanka kale, maamulka Galmudug iyo hay’adaha amniga ayaan weli ka hadlin dhacdadan, waxaana socda baaritaanno ku…

Read More

Mid ka mid ah diyaaradaha millatariga ee Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, kaddib toddobaadyo ay hakad geliyeen adeegsiga garoonkan. Diyaaradahan ayaa la sheegay inay dib u bilaabeen isticmaalka garoonka Bosaso, inkastoo ay hore Dowladda Federaalka Soomaaliya amar ku bixisay in la joojiyo isticmaalka garoomada dalka ee ay sameeyaan diyaaradaha millatariga ee Imaaraadka Carabta. Wararka laga helayo magaalada Bosaso ayaa sheegaya in maalmahan dambe ay diyaaradahaasi inta badan adeegsadaan xilliyada habeenkii, iyaga oo ka fogaanaya inay si cad u isticmaalaan garoonka maalintii. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu weli jiro khilaaf siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed…

Read More

Xiisad dagaal oo culus ayaa saakay ka taagan deegaan lagu magacaabo Xariirad, kaas oo ku yaalla galbeedka Gobolka Awdal, kadib iska horimaad u dhexeeyay maleeshiyo hubaysan oo muddooyinkii dambe ku dagaalamayay halkaasi. Dagaal culus oo dhacay saacadihii la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen lix (6) qof oo labada dhinac ah, halka ay jiraan dhaawacyo tiro badan, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu salka ku hayo muranka lahaanshaha dhulka iyo jiritaanka qowmiyado ku wada nool deegaanka, taas oo marar badan sababtay iska horimaadyo soo noqnoqda. Xaalad aad u kacsan oo…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Jamhuuriyadda Jabuuti, Danjire Salaad Cali Jeelle, sida lagu xaqiijiyay war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda. Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa loo magacaabay xilka Safiirnimo sanadkii 2020, xilligii ay talada haysay dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Intii uu xilka hayay, waxa uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta matalayay Soomaaliya ee wadamada deriska la ah. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta xilka looga qaaday Danjire Salaad oo siweyn looga yaqaano siyaasadda dalka Soomaaliya. Go’aankan ayaa imaanaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya…

Read More

Wargeyska ku dhow dowladda Turkiga ee Middle East Eye ayaa ku warramay in dowladda Turkiga ay Arbacadii shalay Soomaaliya geysay saddex diyaaradood oo dagaal oo nooca F-16 ah, kuwaas oo lagu sheegay in loo adeegsanayo ilaalinta maalgashiga Turkiga ee dalka. Warbixintu waxay tilmaamtay in diyaaradahan ay si gaar ah u sugayaan amniga agabka Turkigu u adeegsanayo sahminta iyo soo saarista shidaalka, iyo sidoo kale hirgelinta xarun laga diro dayax-gacmeedyo iyo gantaallo, xilli uu sii xoogeysanayo loollanka u dhexeeya Turkiga iyo Israa’iil. Saraakiil Soomaali ah oo xogtan la socday ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay bilihii la soo…

Read More