Author: Banaadir24 Editor

Doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya ku guuleysatay Drs Maryan Qaasim Axmed, kadib tartan adag oo ay la gashay musharraxiin kale. Xilka Guddoomiyaha waxaa u tartamayay: Drs Maryan Qaasim Axmed (guuleysatay) Dr Cumar Cabdulle Calasow Farxaan Maxamed Jimcaale (oo tanaasulay kahor wareegga ugu dambeeya) Doorashada ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah, iyadoo warar hoose ay sheegayeen in Villa Soomaaliya ay taageero siinaysay Dr Cumar Cabdulle Calasow, balse ay ugu dambeyn codadka uga adkaatay Drs Maryan Qaasim. Ka qeybgalayaasha doorashada ayaa sheegay in hanaanka uu u dhacay si hufan, islamarkaana uu muujiyay rabitaanka xubnaha…

Read More

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin kalsoonida lagu qabi karo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kalsoonidii hore ay gebi ahaanba meesha ka baxday, isla markaana Jubbaland iyo Puntland ay soo celiyeen su’aalo culus oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ahayd dhacdadii diyaaradaha laga hor istaagay wafdiyadoodii. Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu markii hore sheegay inuusan waxba ka ogeyn go’aankii lagu hor istaagay diyaaradaha, balse uu si degdeg ah u beddelay hadalkiisa, isla markaana madaxda…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay in xukuumaddiisu qorsheyneyso in ay shirkado Israa’iili ah ku wareejiso macdanta ku jirta dhulka Somaliland, si dalka dhaqaale iyo maalgashi loogu helo. Madaxweyne Cirro ayaa tilmaamay in heshiiskan uu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo Somaliland ay ku doonayso in ay ku soo jiidato maalgashi shisheeye, isla markaana ay kor ugu qaaddo dakhliga dowladda. “Somaliland waxay leedahay khayraad macdan oo ballaaran. Waxaan dooneynaa in aan fursad siino shirkado waaweyn, oo ay ku jiraan kuwa Israa’iil, si ay u horumariyaan macdantaas, annaguna…

Read More

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday diyaargarowga munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo xilka si rasmi ah loogu wareejin doono Janeraal Ibraahim Maxamed Maxamuud. Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa mar kale wareejinaya xilka kadib muddo uu hoggaaminayay Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo kaalin muuqata ka qaatay dib-u-habaynta ciidamada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhici doonta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb geli doona masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in munaasabadda ay noqon doonto…

Read More

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Axmed Madoobe Nuunow, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo. Xildhibaanka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kulankaas oo diiradda lagu saaray xoojinta midnimada, is-afgaradka siyaasadeed iyo wada-shaqeynta hoggaanka maamulka. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la furo bog cusub oo ku saleysan isu-tanaasul iyo bog-dhaaf siyaasadeed, si wadajir ahna looga shaqeeyo danaha guud ee shacabka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo ballaaran oo uu ku raadinayo dib-u-heshiisiin…

Read More

Dowladda dalka Liibiya ayaa soo tarxiishay tiro dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku sugnaa dalkaasi, kuwaas oo qorshahoodu ahaa in ay halkaasi ka sii tahriibaan, si ay u gaaraan dalal ku yaalla Yurub. Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay ku xirnaayeen xarumo ay maamusho dowladda Liibiya, kadib markii lagu qabtay howlgallo ka dhan ah tahriibta dadka ee ka socda dalkaasi. Xogaha la helayo ayaa sheegaya in dhalinyaradan lagu soo celinayo dalka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha arrimaha qurbajoogta iyo laamaha ammaanka ayaa sheegay in…

Read More

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, taas oo lagu dooran doono Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha guud ee guddiga. Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya musharrixiin leh aragtiyo iyo waayo-aragnimo kala duwan, kuwaas oo doonaya inay hoggaamiyaan hay’addan muhiimka u ah ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka. Xilka Guddoomiyaha ayaa waxaa u tartamaya: Cumar Dr. Cabdulle Calasoow Drs. Maryan Qaasim Axmed Farxaan Maxamed Jimcaale Hawlaha doorashada waxaa maamulaya Guddiga Doorashada oo uu hoggaaminayo Cabdikariin Axmed Xasan, kaas oo sheegay in doorashadu u dhici doonto si hufan oo waafaqsan shuruucda u…

Read More

Ciidamada Mareykanka ayaa agab ciidan iyo hub kala duwan ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe. Taageeradan ayaa muujinaysa taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanku la garab taagan tahay Soomaaliya, iyo iskaashiga amni ee labada dhinac ee lagu xoojinayo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha khatarta ku ah xasilloonida gobolka iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan in kooxaha argagixisadu aysan haysan meel ay kaga dhuuman karaan gacanta Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka. Waxaana ka go’an ciribtirka haraadiga argagixisada, iyadoo hawlgallada la sii wadi doono ilaa laga xaqiijiyo…

Read More

:Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku caddeysay in ay si buuxda uga go’an tahay mas’uuliyadda qaran, ilaalinta midnimada dalka, wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, iyo xoojinta hannaanka wada-tashi ku dhisan. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda ay mar kale adkaynayso sida ay uga go’an tahay in ay gogosha wadahadallada u dhexaaya DFS iyo Golaha Mustaqbalka ay fidsan tahay, si loo xalliyo khilaafaadka jira loona gaaro heshiis waara oo ku saleysan danaha qaranka. Dowladdu waxay sheegtay in dhammaan habraacyadii farsamo ee loo baahnaa la diyaariyey, si wada-hadallada loogu gudbo si rasmi ah, balse ay nasiib darro tahay in dadaalladaasi fashilmeen…

Read More

Dadaallo xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay u socday sidii dib loogu soo nooleyn lahaa gogosha wadahadallada u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ah ee ay kamid yihiin Puntland iyo Jubaland. Waan-waanta ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii Beesha Caalamka ay walaac iyo niyad-jab ka muujisay tallaabadii lagu celiyey diyaaradihii siday wafdiga horudhaca ahaa ee kasoo ambabaxay magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo, kuwaas oo ku wajahnaa caasimadda Muqdisho. Arrintaasi waxay sidoo kale sababtay in dib u dhac ku yimaado shirkii la qorsheeyey in uu qabsoomo 1-da Febraayo 2026. Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegaysa in haatan diiradda la saarayo…

Read More