Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, Komishin Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Xuseen Nuunow Cali ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Socdaalka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah kormeer iyo wadatashi ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo qiimeynta diyaar-garowga habsami u socodka howlaha la xiriira geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka. Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka iyo wafdigiisa waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed, oo ugu Horeeyo Madaxweyne Laftagareen si ay uga wada hadlaan dardargelinta doorashooyinka Golayaasha degaanka.…
Xaafadda Delft ee magaalada Cape Town, dalka Koonfur Afrika, waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xaaji Muxudiin Axmed Nuur, kadib weerar hubeysan oo lagu qaaday dukaankiisa. Dilka ayaa dhacay xilli marxuumka uu ka shaqeynayay dukaankiisa, waxaana wararku sheegayaan in rag hubeysan ay ku fureen rasaas culus, iyagoo ku dhuftay ilaa 18 xabadood, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo. Madaxa ganacsatada Soomaalida ee deegaanka (location-ka) ayaa ka tacsiyeeyay dilka, isagoo sheegay in falkaan uu yahay mid sii kordhinaya cabsi iyo walaac ka dhex jira ganacsatada ajaanibta ah ee ku nool Koonfur Afrika. Soomaali farabadan ayaa sanadihii u…
Maamulka Puntland ayaa saaka si rasmi ah u fuliyay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Hodan Mohamud Diiriye, kadib markii maxkamadaha Puntland ay horay ugu heleen inay dishay marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle oo 13 jir aheyd. Dil toogashada ayaa ka dhacday magaalada Gaalkacyo, halkaas oo lagu fuliyay xukunka qisaasta ah ee lagu riday Hodan, kadib markii dhammaan heerarkii racfaanka ay soo mareen, ayna ogolaadeen ehellada marxuumadda. Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha caddaaladda Puntland ayaa sheegay in fulinta xukunkaan ay ku timid kadib markii ay dhammaatay dhammaan habraacyadii sharciga, isla markaana la xaqiijiyay in qoyska dhibbanaha ay ogolaadeen in qisaasta la…
Shacab careysan ayaa maanta xiray laamiga dheer ee mara aagga Suuqa Xoolaha kaddib markii ay ka biyo diideen dhul ay ku noolaayeen oo ay sheegeen in si sharci darro ah looga iibiyey ganacsato. Dadka bannaanbaxaya ayaa ku andacoonaya in dhulkooda ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka iibisay ganacsato gaar ah, iyaga oo aan helin wax magdhow ah ama xal kale oo ay ku noolaan karaan. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah la geeyay halkaasi saaka aroortii, kuwaas oo bilaabay burburinta guryaha iyo dhismayaasha yaalla dhulka la isku haysto, taasoo sii kicisay caro xooggan oo ka…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saakay waaberigii, xilli salaadda Subax lagu jiray, ay diyaaradaha dagaalka Turkiga duqeyn culus ka fuliyeen goobo lagu tuhunsanaa inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Geedi-Xeeyr, gaar ahaan aagga loo yaqaano Quracda Ruum Idiris, halkaas oo la sheegay in diyaaradaha ay rideen ugu yaraan saddex gantaal oo si bartilmaameed ah u dhacay, kuwaas oo ku kala dhacay waqtiyo kala duwan. Ilaa hadda ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Federaalka Soomaaliya ama taliska ciidanka, mana la xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka,…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta u baxaya safar dalka dibaddiisa, kaas oo qaban qaabadiisa ka socoto Magaalada Muqdisho. Safarka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli ay wali taagan tahay kala qeybsanaan ka dhex jirta Xildhibaanada, kadib dhacdooyin sababay buuq, gacan ka hadal iyo hakad ku yimid shaqadii Baarlamaanka. Dhinaca kale, xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dood culus ka dhalatay cidda noqon doonta kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka inta uu Aadan Madoobe maqnaanayo. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa la sheegay inuu doonayo in kusime ahaan loo sii daayo Cabdullaahi Abshirow (Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad), halka…
Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Hodan Maxamuud Diiriye, kaddib markii Maxkamadaha Puntland ay ku heleen dambiga ah in ay dishay Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle (AUN). Maxkamadda Darajada Koowaad iyo tan Rafcaanka ee Puntland ayaa si isku mid ah u ansixiyay xukunka qisaasta ah, kadib markii la dhageystay dacwadda, marqaatiyaal iyo qiraallo la xiriira dilka dhacay. Go’aanka kama dambaysta ah ee Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xukunka dilka ah la fuliyo, maadaama aysan jirin cafis ka yimid qoyska marxuumadda. Sida ay wararku sheegayaan, goobta toogashada ayaa noqon doonta…
Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir Mayardit, ayaa magacaabay nin geeriyooday shan sano ka hor ka mid noqoshada Guddiga Doorashada Qaranka, arrin si weyn u dhalisay hadal-hayn iyo dhaleeceyn gudaha iyo dibaddaba. Wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Mr. Steward Sorobo Budia, oo dhintay sannadkii 2020, loo xilsaaray ka mid noqoshada guddiga qaabilsan diyaarinta iyo hirgelinta qorshaha doorashooyinka dalka. Si kastaba ha ahaatee, kadib markii wareegtada la baahiyay, warbaahinta iyo shacabka ayaa durba ogaaday in Mr. Budia aanu noolayn, taasoo keentay su’aalo ku saabsan sida loo diyaariyay liiska magacaabista. Madaxtooyada Suudaanta Koonfureed ayaa markii dambe…
Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Nuux, ayaa si cad u beeniyey warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu amar ku bixiyay in la dhaawaco xildhibaannada ka tirsan Golaha. Habdhowraha ayaa sheegay in aysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya in Guddoomiyuhu yiri hadallo ay ka mid yihiin “hala dhaawaco xildhibaanada” ama “qoorta hala qabto”, isagoo tilmaamay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. “Xildhibaanada sheegtay in la dhaawacay weli si rasmi ah looma hubin, mana jirto wax naga soo gaaray oo caddeynaya in Guddoomiyaha…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar ugu baxay dalka Imaaraatka Carabta, halkaas oo uu kula kulmayo mas’uuliyiin sare iyo wakiillo ka kala socda dhinacyo kala duwan. Safarkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo iskaashiga Somaliland, gaar ahaan doorka Imaaraatka ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga istaraatiijiga ah ee gobolka. Safarka Madaxweyne Cirro ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) hoos u dhigtay xiriirkii ay la lahayd Imaaraatka Carabta, arrintaas oo falanqeeyayaal badan ay u arkaan in ay fursad u noqotay Somaliland, maadaama UAE ay si weyn ugu lug leedahay mashaariicda waaweyn ee dalka ka…