Author: Banaadir24 Editor

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa isku day amni darro lagu carqaladeynayay xasilloonida gobolka. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay mid kamid ah masaajidda magaalada Baydhabo kadib salaadda Jimcaha, ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed ay ka hortageen falal uu ku tilmaamay “kuwo lagu doonayay in lagu qalqal geliyo amniga,” isagoo xusay in ay gacanta ku dhigeen xubno uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhacdadaas. Laftagareen ayaa ku eedeeyay xubno katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kooxo ku sugan magaalada Muqdisho inay ku…

Read More

Maamulka Puntland ayaa si cad uga hor yimid heshiis ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhex maray DFS iyo Dowladda Turkiga, una jeedkiisu ahaa horumarinta badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed. Heshiiskan oo ay saxiixeen labada dhinac ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo kaabeyaasha badda, ilaalinta xeebaha iyo horumarinta shaqaalaha badda Soomaaliyeed. Hase yeeshee, Puntland ayaa sheegtay in heshiiskaasi uusan khusayn doonin dhankooda isla markaana aysan aqbali doonin. Wasiirka Caddaaladda Puntland oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in heshiiskaasi aanu ka shaqayn doonin Puntland, isla markaana uusan waafaqsanayn danaha iyo nidaamka maamulkaas. “Haddii lagu fakarayo in isbaaro loo…

Read More

Wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah ayaa si naxdin leh loogu dilay ismaamulka Narok ee dalka Kenya, kaddib markii dabley hubeysan ay ku weerareen dukaan uu ku lahaa halkaas. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdisitaar Dugaal Cali, ayaa ku sugnaa tukaankiisa xilli ay soo galeen saddex nin oo tuugo ah. Sida ay sheegeen goobjoogayaal, dableydu waxay wateen baangado, taas oo sababtay in marxuumku isku dayo inuu is difaaco, isaga oo soo qaatay bud. ” Qof joobjooge ahaa ayaa yiri, hal arrin ma uusan ogeyn – tuugadu waxay wateen qori. Mid kamid ah dableyda ayaa rasaas ku furay, taas oo si…

Read More

Taliska Booliska magaalada Beledweyne ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen laba kamid ah rag lagu eedeeyay inay kufsi wadareed u geysteen gabar yar, isla markaana baraha bulshada ku faafiyay muuqaal muujinaya falkaas foosha xun. Sida uu sheegay taliska, labada eedeysane ee la soo xiray ayaa lagu kala magacaabaa C/shakuur Xasan Ibraahim iyo Maxamed Cawaale Cumar, kuwaas oo qeyb ka ahaa koox la tuhunsan yahay inay si wadareed u kufsadeen gabadha. Boolisku waxay tilmaameen in labada nin ay yihiin eedeysanayaashii ugu dambeeyay ee ka dhinaa kiiskan, ayna hadda tirada guud ee dadka loo haysto falkaasi gaareyso lix eedeysane. Taliska Booliska…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda safar rasmi ah ku tago dalka Masar, halkaas oo uu kulamo heer sare ah kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Boqortooyada Sacuudiga. Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo mid siyaasadeed ee u dhexeeya saddexda dal, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadgelyada gobolka Geeska Afrika iyo ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Booqashada madaxweynaha ayaa imaneysa kaddib kulamo hordhac ah oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku yeeshay magaalada Qaahira, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee gobolka iyo sidii…

Read More

Muujad siyaasadeed oo cusub ayaa ka dhex qaraxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), taas oo lagu wado inay si rasmi ah u bilaabato wixii ka dambeeya Axadda soo socota. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ugu yeeray dhammaan xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 79 xildhibaan. Xildhibaano aan khadka telefoonka kula xiriirnay ayaa xaqiijiyey in ay Axadda u safrayaan Baydhabo, isla markaana ay ka jawaabeen casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweyne Laftagareen. Wararka ayaa tilmaamaya in muujadan cusub ay si toos…

Read More

Xildhibaanadda Aqalka Wakiillada Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota, Ilhaan Cumar, ayaa sheegtay in dalka Mareykanka uu wajahayo xaalad nololeed oo aad u adag, taasoo ay dad badan awoodi waayeen inay la qabsadaan. Ilhaan ayaa hadalkan ku sheegtay muuqaal ay ku baahisay baraha bulshada, iyadoo tilmaantay in adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniintu ay noqdeen kuwo aad u liita ama qaali ah. Waxay si gaar ah u xustay: Daryeelka carruurta oo aad qaali u noqday Adeegyada caafimaadka oo aan la awoodi karin Faquuq iyo cunsuriyad ka jirta goobaha shaqada Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ku eedeysay…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa lagu soo warramayaa inay billowday qorshe ballaaran oo ay ku suuq-geynayso shidaalka laga helay Soomaaliya, kaddib markii shirkadda shidaalka ee ay dowladdu leedahay ee TPAO ay heshiis is-afgarad (MoU) la saxiixatay shirkadda Mareykanka ah ee Chevron. Heshiiskan cusub ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah oo quseeya sahaminta, soo saarista iyo suuq-geynta shidaalka, wuxuuna daboolayaa mashaariic laga hirgelin doono gudaha Turkiga iyo dibedda, gaar ahaan Soomaaliya. Wararka laga helayo ilo ku dhow labada dhinac ayaa sheegaya in iskaashigani uu noqon doono mid ballaaran, isla markaana labada shirkadood ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan mashaariic la xiriira tamarta,…

Read More

Xildhibaan Xasan Maxamed Xasan (Murjaan), oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed. Xildhibaanku wuxuu sheegay in Alle ha u naxariisto dadkii ku geeriyooday dagaalkaas, isla markaana uu Alle ha siiyo caafimaad degdeg ah dadkii ku dhaawacmay. Sidoo kale, wuxuu tacsi u diray dhammaan qoysaskii ay waxyeelladu gaartay. Murjaan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya mas’uuliyadda dagaalka Baydhabo, isagoo sheegay in ay ka gaabisay ka hortagga colaadda, isla markaana ay dayacday waajibaadkeedii ku aadanaa ilaalinta nabadda…

Read More

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xilka uga kala wareegay Taliyihii hore ee CXDS, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin ( Fiqi ), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil sare oo ciidan, iyo wakiillo ka socday dalalka saaxiibada iyo beesha caalamka ee taageera Soomaaliya. Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa ka warbixiyay waxqabadkii uu ku…

Read More