Author: Banaadir24 Editor

Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo guluf colaadeed ayaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaddib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay aroortii hore ee saakay bilaabeen howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab. Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgalladan ay yihiin kuwo ballaaran oo si isku xiran uga socda dhowr deegaan, kuwaas oo ujeedkoodu yahay ciribtirka Xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka miyiga ah ee gobolka, kuwaas oo muddo dhibaato ku hayay amniga iyo nolosha shacabka. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in cutubyo ciidan ay ku sii dhowaanayaan fariisimo ku…

Read More

Waxaa maanta mar kale laga cabsi qabaa in buuq iyo gacan ka hadal ka dhasho kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanada labada Aqal ayaa maanta yeelanaya Shirkii Saddexaad, kaas oo ajandihiisu yahay wax ka beddelka Dastuurka, kaddib markii labadii fadhi ee hore ay fashilmeen, iyadoo aan maanta la dareemayn rajo badan oo ku aaddan in kulanku si nabad ah u qabsoomo. Kulankan maanta waxaa shir-guddoomin doona Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka. Inta badan xildhibaanada mucaaradka ah ayaa horay looga ganaaxay ka qeyb-galka kulamada soo socda, inkastoo…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ka qeybgaleyso dhoolatus ciidan badeed oo heer caalami ah oo loogu magac daray “Exercise Cutlass Express 2026”, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamo badeed oo ka kala socda caalamka iyo qaaradda Afrika. Dhoolatuskan ayaa ah mid sannadle ah oo lagu xoojiyo amniga badda iyo iskaashiga milateri ee gobolka iyo dunida intiisa kale. Dhoolatuska Cutlass Express 2026 waxa uu ka dhacayaa Port Louis, Mauritius iyo biyaha ku hareeraysan Badweynta Hindiya — aagga badda bari ee Afrika, waxaana qorshuhu yahay in uu socdo laga bilaabo 2da ilaa 12ka Febraayo 2026 iyadoo…

Read More

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Casiis Golf-Yare ayaa si adag u beeniyay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ku saabsanaa in uu wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kuna saabsanaa dhismaha guri la sheegay in Farmaajo looga dhisay magaalada Marka. Golf-Yare ayaa sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo dhex maray labada Madaxweyne ee ku saabsan arrintaas, isagoo tilmaamay in sheegashada Farmaajo ay tahay mid aan xaqiiqo ku dhisnayn isla markaana ka fog mas’uuliyadda laga filayo hoggaamiye hore oo dalka soo maamulay. “Sheegashada Farmaajo waa mid ka fog…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Warsaxaafadeed Madaxtooyada kasoo baxay ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha uu qayb ka yahay booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isaga oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 30 ruux iyo dhaawaca tiro kale oo badan. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in falkaasi yahay mid ka dhan ah qiyamka aadanaha, diinta Islaamka iyo nabadda caalamka, isla markaana si bareer ah loogu beegsaday dad shacab ah oo ku jiray goob cibaado. Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda iyo Shacabka Pakistan, gaar ahaan qoysaska ay dhibaatadu saameysay, iyadoo Alle uga…

Read More

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa soo saaray go’aan rasmi ah oo looga hakiyay fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka, iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka 20 mudane oo isugu jira  19 mudane oo katirsan Golaha Shacabka iyo 1 kamid ah Aqalka Sare, iyada oo dhawaan sidoo kale guddoonka labada Aqal uu fadhiyada ka joojiyay 20 mudane oo labada Aqal ah. Go’aankan ayaa yimid kaddib qalalaase iyo buuq ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee…

Read More

Ciidamada Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in ay ku raad-joogaan Cabdiraxmaan Nishow, oo la sheegay in uu dhaawac ku sugan yahay, isla markaana ay weheliyaan maleeshiyaad hubeysan. Sida lagu baahiyay Telefishinka ku hadla afka Maamulka Koonfur Galbeed, Nishow ayaa hoggaaminayay kooxdii dhawaan weerarka ku qaaday laamaha amniga ee magaalada Baydhabo, taasoo keentay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howlgallo amni oo ballaaran ay ka socdaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxahan abaabulan, si loo xaqiijiyo amniga guud iyo badbaadada shacabka. Laamaha amniga ayaa ugu baaqay…

Read More

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Teedaan, oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaddib howlgal amni oo si qorsheysan loo fuliyay. Howlgalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay boqolaal askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo watay gaadiidka dagaalka, islamarkaana si buuxda u galay deegaanka, kaddib markii ay Al-Shabaab isaga baxeen halkaasi, iyaga oo awoodi waayay inay iska caabiyaan ciidamada dowladda. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in howlgalkan uu qeyb ka yahay Howlgalka Duufaanta Aamusan, oo ka socda gobollo kala duwan oo dalka ah, kaas oo lagu beegsanayo fariisimaha iyo…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedkw Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan dhiirigelin ah kula qaatay Magaalada Kismaayo, Saraakiisha howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ee Dowlada Maraykanka ee ka howlgalla Jubaland. Madaxweynaha ayaa Saraakiisha uga mahadceliyay iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo howlgalka la dagaallanka Al-Shabaab, iyo kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahaayeen howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay deegaano kala duwan oo Jubaland ka tirsan. Madaxweynaha ayaa saraakiisha Ciidamada howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah AFRICOM ku ammaanay geesinimada iyo wada shaqeynta ay muujiyeen, wuxuuna si rasmi ah u…

Read More