Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay berri oo ah Isniin, 09 Febraayo 2026, isugu yimaadaan kulan kale oo rasmi ah, kaddib casuumaad uu diray Guddoonka Labada Aqal. Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa sii wadidda doodda ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka, gaar ahaan Marxaladda 2aad ee geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka. Sida ku cad ajendaha kulanka, xildhibaanadu waxay ka doodi doonaan soo jeedimo wax-ka-beddel kooban oo lagu sameynayo qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad ee ku jira Cutubka 4aad ee Dastuurka KMG ah. Guddoonka Baarlamaanka ayaa xildhibaanada ku adkeeyay in ay kulanka ka soo qeyb galaan, maadaama…
Qaar ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto gobolka Meru ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay inay doonayaan in ay qiime-dhimis ku sameeyaan qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo abaar daran oo saameysay malaayiin qof. Xildhibaanadu waxay sheegeen in ay doonayaan in la hakiyo ama la dhimo dulsaarka iyo canshuuraha qaadka, gaar ahaan lacagta la sheegay in ay gaareyso $4.5 oo ay qaadaan qaar ka mid ah madaxda Soomaaliyeed marka qaadka la keeno dalka. Sida ay xildhibaanadu tilmaameen, ujeedkoodu waa in culayska dhaqaale laga yareeyo ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta, islamarkaana la muujiyo taageero bini’aadannimo.…
Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay in tiro ka mid ah dowlado Carbeed iyo Islaami ah ay bilaabeen tallaabooyin adag oo ay kaga falcelinayaan waxa ay ku tilmaameen siyaasado qalafsan oo ka socda Imaaraadka Carabta. Dowladaha la sheegay in ay si wadajir ah ama gooni-gooni ah u muujinayaan mowqif adag ayaa kala ah: Sacuudi Carabiya Suudaan Yemen Pakistan Jabuuti Soomaaliya Aljeeriya Ilo ku dhow arrintan ayaa sheegay in dowladahan ay ka wada tashanayaan hab ay ku wajahayaan arrimo ay ka mid yihiin faragelin siyaasadeed, taageero kooxo hubeysan, iyo khilaafaad ku saabsan danaha gobolka. Qaar ka mid ah waddamadan ayaa durba bilaabay tallaabooyin…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa xalay fuliyay howlgal amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Qowl ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay in ka badan 7 maleeshiyaad, halka sidoo kale la gubay hal gaari oo ay wateen xubnaha la beegsaday. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu, waxaa jira dhaawacyo tiro badan, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah. Dhanka kale, howlgal kale oo isla xalay ka dhacay deegaanka Goobo ayaa lagu dilay 2 ka mid ah Al-Shabaab, waxaana ciidamada ay halkaas ka soo furteen…
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xildhibaan Dayax Cumar iyo Sanatar Cabdiwali Garyare ay xalay weerar ku qaadeen Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Cabdinaasir Maxamuud Gureey, xilli uu ku sugnaa Hotel-ka Paradise ee magaalada Muqdisho. Sida ay wararku tilmaamayaan, labada xildhibaan oo ka mid ah xubnaha u ololeeya wax ka beddelka Dastuurka, ayaa la sheegay in ay muran dhuleed kala dhexeeyo maareeyaha, kaas oo ku yaalla bannaanka garoonka Aadan Cadde, isla markaana ay sheegeen in horay loo siiyay, balse uu Gureey ka hor istaagay, maadaama uu masuul ka yahay aaggaas. Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Cabdinaasir Gureey uu…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay booqasho rasmi ah uga bilaabatay magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, taasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Qaahira, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi oo uu kala hadli doona xoojinta iskaashiga qotada dheer ee labada shacab iyo dowladood, arrimaha gobolka iyo doorka Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka…
Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si adag uga digtay dadaallo ay sheegtay in ay wadaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la doonayo in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Kumeel-gaarka ah, iyada oo aan la raacin hannaan sharci ah oo waafaqsan qodobada dastuurka dalka. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in isbeddel kasta oo lagu sameeyo Dastuurka aan lagu marin habraac sharciyeed oo hufan uu khatar ku yahay jiritaanka nidaamka federaalka iyo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee ay isla ogolaayeen dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed. Qoraalka ayaa si gaar ah u cambaareeyay fadhiyadii u…
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaray xaaladda cakiran ee ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo si kulul u dhaliilay khilaafaadka siyaasadeed iyo buuqa hareeyay fadhiyadii ugu dambeeyay ee golaha. Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku sheegay in waxa ka socda Baarlamaanka ay yihiin “mas’uuliyad-darro halis ku ah jiritaanka dowladnimada,” isla markaana dhaawac ku ah kalsoonidii shacabka ku qabeen hay’adaha qaranka. “Baarlamaanka maanta wuxuu galay mas’uuliyad-darro taariikhi ah, wuxuuna ka weecday waajibaadkii dastuuriga ahaa ee lagu aaminay,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in xildhibaanada iyo hoggaanka Baarlamaanka…
Buuq iyo jahwareer ayaa saaka ka taagan furitaanka kulanka maanta ee Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada mucaaradka ay si xooggan u diideen hab-socodka kulanka. Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Federaalka ayaa gudaha loo geliyay Xarunta Villa Hargeysa, arrintaas oo sii hurisay xiisadda, iyadoo baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo muujinaya muran iyo isqabqabsi dhexmaray ciidamada iyo Xildhibaanno. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanada mucaaradka gaadiidkooda lagu celiyay barta koontaroolka ee isgoyska dabka, taasoo sababtay caro iyo buuq hor leh. Xaaladda guud ee goobta ayaa weli ah mid kacsan,…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa lagu wadaa in uu safar rasmi ah ku tago magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed. Ilo ku dhow safarka Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeeddada booqashadiisu tahay in uu xal u raadiyo shaqaaqadii ka dhacday Baydhabo, si looga hortago in ay sii fogaato, isla markaana ay saameyn taban ku yeelato amniga iyo deganaanshaha magaalada. Aadan Madoobe oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in marka uu Baydhabo tago uu kulamo la yeesho Madaxda Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta ku…