Author: Banaadir24 Editor

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib dagaal dhawaan halkaas ka dhacay oo sababay khasaare kala duwan. Sida ay Banaadir24 u xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan, ujeedka safarka Guddoomiyaha ayaa ah in uu ka shaqeeyo xalinta khilaafka iyo xiisadda sababay dagaalka, isaga oo kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo federaal ah. Dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada…

Read More

Ilo xogtooda lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in wafdigii u horreeyay ee ka socda maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland ay maanta kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho. Wararku waxay tilmaamayaan in safarkan uu yimid kadib cadaadis caalami ah oo lagu saaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul, si loo fududeeyo furitaanka wadahadallo siyaasadeed oo la filayo in ay ka qabsoomaan caasimadda. Cadaadiskaas ayaa lagu doonayaa in dhinacyadu miiska wada-hadalka isugu yimaadaan, loona helo xal waara oo ku saabsan khilaafaadka siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamayay. Dhanka kale, xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Puntland ayaa iyaguna xaqiijiyay in ay qorsheynayaan in ay…

Read More

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si adag uga hadleen qorshe ay ku tilmaameen mid halis ku ah dastuurka dalka, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Xildhibaanadu waxay sheegeen in dhammeystirka dastuurka iyo ka doodista qodobbada xasaasiga ah ay u baahan yihiin jawi ay ka muuqato kalsooni, is-aaminaad, daacadnimo siyaasadeed iyo sharciyad maamul oo buuxda, balse ay hadda ka maqan yihiin shuruudahaas. Waxay tilmaameen in Guddiga la socodka iyo hirgelinta Dib-u-eegista Dastuurka uu kala qeybsamay, sidoo kalena Baarlamaanka Federaalka uu labo u kala jabay, taas oo muujinaysa khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya. Xildhibaanadu waxay…

Read More

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiyaha ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aan rasmi ah oo looga joojinayo Xildhibaano katirsan labada Aqal fadhiyada wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib qalalaase ka dhacay kulankii wadajirka ahaa ee shalay oo taariikhdu aheyd 7-dii Febraayo 2026. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Abshirow ayaa lagu sheegay in Go’aankan uu ku saleysan yahay Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobada 14aad, 16aad iyo 28aad, kuwaas oo waajibinaya ilaalinta nidaamka, kala dambeynta, iyo hannaanka sharciyeed…

Read More

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarrada dambiyeed ee ay Kooxda Rapid Support Forces (RSF) ku qaadeen xarumo rayid ah iyo kolonyo gargaar oo ay leeyihiin Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kuwaas oo ka dhacay gobollada North Kordofan iyo South Kordofan ee dalka Sudan. Weerarradan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah, taasoo sii kordhisay xaaladda bini’aadannimo ee horeyba u liidatay. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falalkan ay yihiin xadgudubyo culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada (International Humanitarian Law) iyo dhammaan heshiisyada…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in ay iyada oo keli ah mas’uul ka tahay khayraadka dabiiciga ah iyo kaabeyaasha istaraatiijiga ah ee dalka, isla markaana ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto shirkadaha Imaaraadka Carabta ee gacanta ku haya dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Cali Balcad, oo la hadlay Telefishinka Al-Jazeera, ayaa sheegay in dhammaan heshiisyadii lala galay shirkadaha Imaaraadka ee la xiriira saddexdaas dekedood ay yihiin kuwo sharci-darro ah oo aan waxba ka jirin. “Heshiisyada ku saabsan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo waa sharci-darro, mana ahan kuwo ansax ah. Laguma gelin…

Read More

Diyaarad militari oo nooca C-17 Globemaster ah, isla markaana ay leedahay Dowladda Qatar, ayaa mar kale maanta soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaaraddan ay sido agab militari, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin nooca, tirada iyo ujeeddada qalabka la keenay. Soo degista diyaaraddan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo xiriirka iskaashi ee dhanka amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, kaas oo si gaar ah diiradda u saaraya tababarka, qalabaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dowladda Qatar ayaa horey uga mid ahayd saaxiibada…

Read More

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo intiisa badan diirada lagu saaray xaalada abaarta dalka. Ugu horeyn Wasaaradda Amniga Hirshabeelle ayaa Golaha la wadaagtay howlgaladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab oo ka socda nawaaxiga degmada Xawaadleey iyo weerarkii lagu dilay xubno kamid ah Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Goobo ee hoostaga degmada Maxaas. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigtay warbixin ku aadan xaaladda Bini’aadanimo ayaa sheegtay inay abaarta saameysay 1.5 Milyan oo dadka Hirshabeelle ah. Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha, Caafimaadka, Biyaha, Xanaannada iyo Beeraha ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay sida magaalooyinka ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyn meeqaamkeedu aad u sareysay loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar. Madaxweyne Xasan Shsskh ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi. Labada Madaxweyne ayaa wada-hadaladooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo wadajir shir jaraa’id u qabanaya. Wararka Banaadir24 uu helayo ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay wada gaari doonaan heshiis amni, iyaga oo Warbaahinta la hadli doona.

Read More

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo qorsheysan, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in laba ka mid ah la dilay, halka laba kalena nolosha lagu qabtay. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay qaraxyo iyo walxo kale oo halis ah, kuwaas oo Al-Shabaab qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool deegaankaas. Intaa waxaa dheer, hawlgalka ayaa lagu burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku dhuumanayeen, kuwaas oo halis ku ahaa nabadgelyada dadka.…

Read More