Author: Banaadir24 Editor

Nabadoon Cali Jarahaye ayaa lagu dilay duleedka deegaanka Roox oo hoostaga degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, xilli uu ka soo qaadanayay caanaha geel uu lahaa. Dilka Nabadoonka ayaa la sheegay in ay geysteen maleeshiyaad hubeysan, waxaana loo aaneynayaa colaad qabiil oo muddo ka taagnayd deegaannada hoostaga Bacaadweyne. Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad deegaanka ah oo la xiriiray, Nabadoon Cali Jarahaye ayaa la toogtay, kadib markii ay haleeleen rag hubeysan oo ku sugnaa goobta uu joogay. Laamaha ammaanka ee Galmudug illaa hadda kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto cid loo soo qabtay falkaas. Dilka Nabadoonka ayaa kusoo aadaya xilli colaadaha…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinta Yoolbaar Media ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh, iyo Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xersi Gaani, laga hor istaagay galabta ka qeybgalka munaasabadda lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Sida ay wararku xaqiijinayaan, labada wasiir waxaa hor istaagay xubno ka tirsan xildhibaanada mucaaradka, kuwaas oo ku sababeeyay tallaabadooda in wasiirradu aysan ka qeybgelin soo dhaweyntii hore ee Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wararka ayaa intaas ku daraya in maqnaanshaha wasiirrada ee munaasabaddii Axmed Madoobe la xiriirtay cabsi siyaasadeed, kadib markii la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,…

Read More

Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka. Ka hor imaatinka labada madaxweyne, waxaa Muqdisho horay u yimid diyaarado siday ilaaladooda iyo wufuud kale oo horudhac u ahaa safarkooda. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ka qeyb galaya shirka ay yeelanayaan madaxda Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo lagu wado in uu berri furmo. Shirkaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo xaaladda abaaraha…

Read More

Diyaarada Sky oo siday dad shacab ah oo ku dhacday gudaha Garoonka aadan cade ee Magaalada Muqdisho Diyaaradan ayaa ka kacday isla garoonka aadan cade, balse duuliyihii diyaaradda ayaa dib u soo celiyay markii cilada dareenay, sidaasina ay ku dhacday. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, ayaa tagey halka ay shilka ku gashay diyaarad rakaab ah oo maanta ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho. Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay inuusan jirin qasaare nafeed oo ka dhashay shilka, balse uu diyaarad soo gaaray burbur waxaana uu sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira waxa sababay.…

Read More

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la magac baxay Ilaalo Qaran, ayaa maanta xirtay waddada isku xirta Haanta Dheer iyo Argada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Xerada 77, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan muddo dheer haysatay. Ciidamadan ayaa sheegay in ay jiraan askar aan wax mushaar ah qaadan 9 bilood ilaa hal sano, isla markaana xuquuqdoodii shaqo si buuxda looga duudsiyay. Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay si isdaba-joog ah cabashooyin u gudbiyeen hay’adaha ay quseyso, balse aan wax jawaab ah laga helin. “Waxaan nahay ciidamo qaran oo dalkooda u shaqeeya, balse muddo…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in doon muhaajiriin sidday ay ku degtay xeebaha magaalada Zuwara ee dalka Libya, taasoo sababtay khasaare naf oo baaxad leh. Doonida oo siday ku dhowaad 60 qof iyo wax ka badan, ayaa la xaqiijiyay in 38 ka mid ah ay ahaayeen Soomaali. Tirada Soomaalida waxaa ka mid ah: 33 rag ah iyo 5 gabdhood, kuwaas oo tahriib ahaan ugu socday dalka Talyaaniga si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub. Sidoo kale, waxaa ku jiray doonida haweeney Eritreyan ah oo uur leh, iyo muhaajiriin kale oo ka kala socday dalalka: Masar Pakistan Eritrea Suudaan Bangladesh…

Read More

Diyaarado siday ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ilaalada Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana ku xigi doona labada Madaxweyne. Ciidamadan oo ah kuwo aad u hubeysan, ayaa loo xil saaray sugidda amniga Madaxweynayaasha labada maamul, kuwaas oo ka qeyb galaya shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo golaha mustaqbalka dalka, kaas oo maalmaha soo socda ka furmi doona Muqdisho. Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa garoonka kusoo dhaweeyay wafdigan, waxaana la arkayay ciidamo ka tirsan laamaha amniga oo si weyn…

Read More

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan saraakiisha militariga ayaa sheegaya in Dowladda Turkiga ay Soomaaliya soo gaarsiisay qalab isugu jira lidka diyaaradaha iyo nidaamkii ugu horreeyay ee difaaca hawada. Diyaarad xamuul ah oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Turkiga ayaa shalay ka degtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay in ay siday qeyb ka mid ah qalabkan militari. Tallaabadan ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku xoojiso awoodda difaaca hawada iyo tayeynta Ciidanka Cirka, si loo sugo amniga dalka iyo ilaalinta hawadiisa. Mas’uuliyiinta…

Read More

Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo kale. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan bahda caafimaadka, meydka ruuxa dhintay ayaa la gaarsiiyey Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale, labada qof ee dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa isla isbitaalka, waxaana la sheegay in xaaladdoodu tahay mid degan. Dagaalka ayaa ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo rasaas xooggan laga maqlayay goobta. Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay iska horimaadka, mana jirto cid si rasmi ah uga hadashay. Xaaladda amniga goobta…

Read More

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Cabdi C/qaadir Maxamed, oo loo yaqaannay Xuseen Afgarasho, iyo Farxaan Maxamuud C/nuur Aadan, oo isna loo yaqaanay Xasan Afgarasho. Labada nin ayaa horey Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil toogasho kadib markii lagu helay dambiyo culus oo la xiriira dilal ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay geerida afar muwaadin oo rayid ah. Xukunka dilka ah ayaa lagu fuliyay kadib markii ay dhammaatay dhammaan marxaladihii sharciga ee ay maxkamaddu martay, islamarkaana ay heleen fursad ay racfaan ku qaataan, balse lagu waayay wax caddeymo ah oo…

Read More