Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Malawi, Burundi, Nigeria, Zambia, iyo Jamhuuriyadda Congo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, si ay uga qeybgalaan Shirweynaha 39-aad ee Midowga Afrika (39th AU Summit). Markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, wasiirrada waxaa si diirran u soo dhoweeyay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Safiir Berhanu Tsegaye, oo matalayay dowladda martida loo yahay. Shirkan oo si rasmi ah Maanta u furmi doona, ayaa la filayaa in uu isu keeno hoggaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda waddamada Afrika, kuwaas oo ka doodi doona arrimo xasaasi ah oo quseeya mustaqbalka qaaradda. Wararka…
Waxaa lagu wadaa in Ilaalada iyo baratakoolka madaxda maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland ay Maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo hordhac u ah wafdiyaasha sare ee labada maamul. Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, imaatinka ilaalada iyo kooxaha baratakoolka ayaa la xiriira qaban-qaabada soo dhaweynta iyo sugidda amniga madaxda Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo la filayo in ay maalmaha soo socda yimaadaan caasimadda si ay uga qeybgalaan shirka Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka. Wararka ayaa intaas ku daraya in aysan jirin guddi rasmi ah oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya si gaar ah u magacowday, kaas oo qaabilsan soo dhaweynta wafdiyada labada…
Shir xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa lagu lafa-guray arrimo xasaasi ah oo la xiriira geeddi-socodka siyaasadda dalka, gaar ahaan howlaha wax ka beddelka Dastuurka. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Jaamac, oo shirka ku metelayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo guddi wasiirro ah oo ka socday shanta beelood ee awood-qaybsiga siyaasadda. Intii uu shirku socday, waxaa lagu dhawaaqay magacaabista guddi gaar ah oo loo xilsaaray dardar-gelinta iyo isku-duwidda howlaha ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah, si loo xaqiijiyo in geeddi-socodka…
Waxaa caawa si rasmi ah xal lagu soo afjaray gacan-hadalkii dhawaan ka dhex dhacay Hotel Paradise, kaas oo u dhexeeyay dhinac ka mid ah Senator Cabdiweli Garyare iyo Xildhibaan Dayax Cumar, iyo dhinaca kale Maareeyaha Garoonka Aadan-Cadde Cabdinaasir Gureey iyo Dr. Maxamed Baldho. Kulamo is-daba-joog ah oo dhexmaray odayaal, xildhibaano iyo senataro ayaa horseeday in labada dhinac ay is-fahmaan, isla markaana la gaaro heshiis lagu soo afjaray xiisaddii ka dhalatay dhacdadaas. Xildhibaano iyo senataro matalayay Senator Garyare iyo Xildhibaan Dayax ayaa booqday qoyska ay ka dhasheen Maareeye Cabdinaasir Gureey iyo Dr. Maxamed Baldho, iyagoo ka dalbaday raalli-gelin rasmi ah, kana…
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka ee maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa Galabta gaaray caasimadda Muqdisho, kuwaas oo hordhac u ah wafdiyada rasmiga ah ee ay hoggaaminayaan madaxweynayaasha labada maamul. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in ciidamo ilaalo oo aad u hubeysan ay soo degi doonaan Muqdisho aroornimada hore ee Talaadada, halka wafdiyada heerka sare ah ay imaan doonaan laga bilaabo galinka dambe ilaa Khamiista. Waxaa la qorsheynayaa in ka hor Jimcaha uu furmo Shirka Golaha Mustaqbalka, kaas oo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uga qeyb-galayo isagoo metelaya dhinaca Villa Soomaaliya. Qodobka ugu miisaanka culus ee miiska saaran shirka…
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa uga digay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu bedelo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, xilli dalka uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya. Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Cosoble ku muujiyay shaki xooggan oo ku saabsan doodaha mucaaradka ee ah in bedelidda Ra’iisul Wasaaraha ay horseedi karto heshiis siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. “Xamse hadduu baxo miyey dowladda iyo mucaaradka heshiinayaan? Bal dulmiga iyo beenta qaawan arka,” ayuu yiri Cosoble. Wuxuu sheegay in mucaaradku uusan waligiis si cad u sheegin in mushkiladda siyaasadeed ay ku…
Xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta xaaladdeedu deggen tahay, iyadoo halkaas dib uga furmayo kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka, kaddib khilaaf siyaasadeed oo sababay in xildhibaano la ganaaxo, halka qaar kale oo mucaarad ah ay qaadaceen fadhiyada Golaha. Xildhibaanadii mucaaradka ahaa ayaa hore ugu dhawaaqay garab kale oo ay ugu yeereen “Baarlamaanka Xorta ah”, waxayna sheegeen inay qorsheynayaan inay saacadaha soo socda doortaan guddoon cusub, taasoo sii xoojisay khilaafka ka dhex aloosan Baarlamaanka. Wararka laga helayo gudaha xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in amniga si weyn loo adkeeyay, iyadoo jidadka soo gala xarunta lagu dhejiyay magacyada iyo sawirrada…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Moorigaabey, oo ka tirsan degmada Xuddur, xarunta gobolka Bakool. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, hawlgalkan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanadaasi, kana mid ahaa kuwa dhibaatooyinka u geysanayay shacabka Soomaaliyeed. Howlgalka ayaa lagu guuleystay in laga hortago dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadkaasi, waxaana ciidanku gacanta ku dhigeen gaari nooca mooto sedex lugood leh oo ay isticmaalayeen Al-Shabaab. Saraakiisha CXDS ayaa sheegay in howlgaladu sii socon doonaan, isla markaana la xoojinayo amniga guud ee gobolka Bakool,…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay si buuxda u taageersan tahay hindisaha nabadeed ee la xiriira Qasa, kaas oo uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Madaxweyne Cirro ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay aaminsan tahay in nabad waarta lagu gaari karo wada-hadal iyo is-faham dhex mara dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda. “Somaliland waxay taageersan tahay qorshe kasta oo horseedi kara nabad dhab ah, kana shaqeynaya badbaadinta shacabka Falastiiniyiinta iyo soo afjaridda colaadda muddada dheer ka taagnayd Qasa,” ayuu yiri…
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan u dhexeeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde, Cabdinaasir Maxamuud Gurey, kaas oo lagaga hadlay weerar bastoolad ah oo dhawaan lagu qaaday Maareeyaha Garoonka. Sida ay Banaadir24 u xaqiijiyeen dad ku dhow labada dhinac, bastooladdii lagu weeraray Maareeyaha Garoonka Aadan-Cadde Hotel Paradise ayaa la sheegay in ay ka diiwaangashan tahay ilaalada gaarka ah ee Xasan Cali Kheyre, kaddib markii maamulka hotelka ay hubkaasi ku wareejiyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, islamarkaana la baaray lambarka taxanaha (serial number) ee bastooladda. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka uu Kheyre raalli-gelin…