Author: Banaadir24 Editor

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday markabka TCG SANCAKTAR, oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Ciidamada Badda Turkiga ee soo gaaray magaalada Muqdisho. Booqashadan iyo soo-dhaweynta maraakiibta dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha (CXD), si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinnada badda. Wasiiru-Dowlaha iyo Taliyaha CXD waxaa ku wehliyay booqashada Wasiiru-Dowlaha Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha CXD, Taliyaha…

Read More

Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu wali ka socdo deegaanka Yurkud ee Gobolka Gedo, kaas oo saakay aroortii hore ka bilowday halkaasi. Dagaalka ayaa u dhexeeya laba beelood oo wada dega deegaanka, waxaana si xooggan loo maqlayaa dhawaqa rasaasta iyo hubka culus ee ay labada dhinac isweydaarsanayaan. Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, dagaalka ayaa si kedis ah u qarxay, wuxuuna saameyn ku yeeshay noloshii caadiga ahayd ee shacabka ku nool halkaasi, iyadoo dad badan ay ka barakaceen guryahooda. Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse wali lama helin tiro…

Read More

Dekedda magaalada Muqdisho ayaa maalmahan wajahaysa dhaqdhaqaaqyo amni iyo kuwo farsamo oo aan horay loo arag, kadib markii la xaqiijiyay in maraakiib dagaal oo ay leedahay Dowladda Turkiga ay kusoo wajahan yihiin caasimadda Soomaaliya. Maraakiibtan ayaa la filayaa inay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya 13-ka bishan, waxaana lagu sheegay inay yihiin kuwo horudhac u ah markab weyn oo loogu talagalay qodista shidaalka badda Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa si weyn u xoojisay joogitaankeeda militari ee Soomaaliya sannadka 2026, iyadoo dalka keentay, Diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyoQalab casri ah oo difaaca cirka ah. Tallaabooyinkan ayaa lagu tilmaamay kuwo ka tarjumaya iskaashi militari oo…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa maanta dalkeeda ka soo tarxiishay ku dhawaad 40 muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo la filayo in goordhow laga soo dejiyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Muwaadiniintan ayaa isugu jira rag iyo dumar dhalinyaro ah, kuwaas oo muddooyin kala duwan ku noolaa magaalooyin ka tirsan dalka Turkiga, halkaas oo qaarkood ay si sharci-darro ah ugu sugnaayeen, halka kuwo kalena ay waayeen shuruudihii deggenaansho. Ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in qabannqaabo rasmi ah laga wado garoonka Aadan Cadde, si loo soo dhaweeyo loogana wareego muwaadiniinta dib loo soo celiyay. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda ayaa…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa fuliyey howlgal amni oo si qorshaysan loo diyaariyey, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan. Howlgalka ayaa lagu beegsaday gaari booyad ah oo ay adeegsanayeen Ururka Al-Shabaab, kaas oo xilliga la weerarayay biyo ka qaadayay deegaanka Waabweyn, kadibna ku sii jeeday mid kamid ah goobaha gabaadka u ah kooxdaasi. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyey in Gaarigii booyadda ahaa si buuxda loo burburiyey, isla markaana Khasaare xooggan lagu gaarsiiyey maleeshiyaadkii la socday. Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo…

Read More

Shil gaari oo aad u naxdin badan ayaa sababay geerida Nabadoon Axmed Deeq Cabdirisaaq Kilwe Cawaale Liiban iyo darawalkii gaariga waday, kadib markii uu la rogmaday Gaari ay saarnaayeen. Sidoo kale, shilkaas waxaa si daran ugu dhaawacmay Ugaaska Guud ee Beelaha Reer Maxamuud, Ugaas Cabdixakiin Ugaas Nuur Faarax (Weehan), kaas oo haatan la dhigay isbitaal si loogu daaweeyo dhaawacyada soo gaaray. Wafdigan uu shilku haleelay ayaa ka mid ahaa isimadii ka qeyb-galayay caleemo-saarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali, Ugaaska Guud ee Beelaha Tanade (Leelkase), kuwaas oo safar uga yimid deegaanno kala duwan. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababta rasmiga…

Read More

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in ay magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankan oo ah mid si gaar ah loo qorsheeyay, ayaa imanaya xilli Madaxweyne Farmaajo uu maalmo ka hor dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safar uu ku soo maray dalalka Turkiga iyo Eritrea, halkaas oo uu kulammo kula yeeshay siyaasiyiin, ganacsato waaweyn iyo mas’uuliyiin kale. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulanka saddexdan hoggaamiye uu diiradda saari doono arrimaha doorashooyinka dalka, dib…

Read More

Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii la filayay in maanta ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay Madaxda Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka. Sababta dib u dhaca ayaa lagu sheegay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay isku raaceen in shirka aan la qaban karin iyada oo uu dalka ka maqan yahay Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo la filayo inuu maanta dib ugu soo laabto Muqdisho. Golaha Mustaqbalka ayaa xalay kulan ku yeeshay Hotel Airport ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka soo saareen saddex qodob oo muhiim ah: In shirka dib loo dhigo ilaa maalinta Khamiista,…

Read More

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab, iyo kuwa Nabad-Sugidda Jubbaland ayaa la sheegay inay guul ballaaran ka gaareen howlgal amni oo ay ka fuliyeen deegaanka Maanbile, oo ku yaalla jiinka Wabiga Jubba, duleedka degmada Jamaame. Howlgalkan oo qaatay ku dhowaad afar saacadood, ayaa ku billowday weerar qorshaysan oo lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaalaysanayeen xubno katirsan Al-Shabaab, gaar ahaan godad ay ka qoteen jiinka wabiga. War kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Intii uu socday dagaalka, Al-Shabaab ay isku dayeen inay si adag iskaga caabiyaan weerarka, balse ciidamada huwanta ah ayaa muujiyay iskuduwid, adkaysi iyo diyaargarow sare,…

Read More

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar toogasho ah oo ka dhacay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Tumbler Ridge, gobolka British Columbia ee dalka Canada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliiska dalkaas. Booliisku waxay sheegeen in lix qof laga helay meydadkooda gudaha dugsiga, halka qofkii toddobaad uu u geeriyooday dhaawac culus intii lagu sii waday isbitaalka. Qof loo maleynayo inuu ahaa Haweeneey weerarka geysatay ayaa iyana lagu arkay meyd ahaan, waxaana la rumeysan yahay inay is dishay kadib falka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga. Sidoo kale, laba qof oo kale ayaa laga helay meydadkooda goob kale oo ka baxsan…

Read More