Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyey is-hortaag lagu sameeyey xubno ka tirsan golaha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in masuuliyiintan laga hor istaagay inay galaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli ay ku wajahnaayeen hotel ku yaalla gudaha garoonka, halkaas oo la qorsheeyey kulan ay la yeelan lahaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Goluhu wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa hannaanka dowladnimo iyo wada-shaqeynta siyaasadeed ee dalka,…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa booqasho gaar ah ku tegay hoyga Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaddib dhacdo muran dhalisay oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Booqashadan ayaa timid saacado kaddib markii Sheekh Shariif iyo qaar ka mid ah Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka lagu waramay in laga hor istaagay inay gudaha u galaan garoonka, xilli ay qorsheynayeen inay kulamo la yeeshaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Kulan Gaar ah oo u Socda Labada Mas’uul Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu u socdo Ra’iisul Wasaare…
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhacdo caawa ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), taas oo la xiriirtay in laga celiyay xeyndaabka garoonka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay ku timid kadib markii ay jireen “ku xad-gudub habraacyada amniga ee u degsan garoonka diyaaradaha.” Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa caddeysay in habraacyada amniga garoonka ay khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka, iyadoo aan loo eegin xil…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hakad uu ku yimid shaqadii caadiga ahayd ee Dekadda Weyn ee Muqdisho, kaddib markii shalay halkaas uu kusoo xirtay markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Turkiga. Markabka oo lagu magacaabo TCG SANCAKTAR, ayna ku howlgalaan Ciidamada Badda Turkiga, ayaa la sheegay inuu wado saanad millateri oo loogu talagalay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid kamid ah shaqaalaha dekadda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay socoto dejinta saanadda saaran markabka, taas oo sababtay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee caadiga ahaa ee dekadda. Shaqaaluhu wuxuu intaas ku daray…
Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa u magacaabay Ashraf Salem Zaher inuu noqdo Wasiirka cusub ee Difaaca iyo Madaxa Sare ee Warshadaha Milateriga, kadib kulamo iyo wada-tashiyo saacadihii u dambeeyay socday. Magacaabistan ayaa timid kadib markii xilka laga qaaday wasiirkii hore ee difaaca, kaas oo maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kala qeybgalay dhoolatus milatari oo ka dhacay dalka Masar. Ilo rasmi ah ayaa xaqiijiyay in go’aankan uu waafaqsan yahay qodobka 234-aad ee Dastuurka Masar, kaas oo dhigaya in Wasiirka Difaaca lagu magacaabo oggolaanshaha Golaha Sare ee Ciidamada, iyada oo aan loo baahnayn in si gaar ah…
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah dagaal kula jirto kooxo xagjir ah oo ka soo galay dalka, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka yimaadeen dalal dibadda ah. Wasiir Fiqi ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ay guulo waaweyn ka gaareen howlgallada ka dhanka ah kooxahaas, isla markaana ay cashar adag u dhigeen. Waxa uu sheegay in la khaarijiyay horjoogayaal muhiim ah oo hayay xilal sare oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah. “Ciidankeennu waxay muujiyeen geesinimo, waxayna si buuxda u difaacayaan shacabkooda iyo dalkooda,” ayuu yiri Wasiirka. Sidoo kale,…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga qayb-gali doono shirka Midowga Afrika, xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta shir lagu balansanaa in lagu dhexdhexaadiyo dowladda iyo mucaaradka. Shirkan oo la filayay in uu ka furmo magaalada Muqdisho, ayaa u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mucaaradka, waxaana lagu waday in lagu gorfeeyo arrimo la xiriira hanaanka doorashooyinka, amniga, iyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Inta badan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay wehliyaan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam…
Waxaa weli muran adag ka taagan yahay goobta lagu qabanayo shirka u dhexeeya Madaxda dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo ay kala aragti duwan yihiin labada dhinac. Madaxda dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaya in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Golaha Mustaqbalka ay doonayaan in lagu qabto Aagga Xalane, taas oo keentay hakad iyo isfaham la’aan siyaasadeed. Xalay, magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan aad u culus oo ay yeesheen Golaha Mystaqbalka oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo xildhibaanada mucaaradka, kaas oo si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka taagan. Kulanka ayaa lagu sheegay in…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaartay fagaaraha diblomaasiyadda Afrika kadib markii si rasmi ah loogu doortay inay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (Peace and Security Council – PSC) muddada u dhexeysa 2026 ilaa 2028. Doorashadan ayaa ka dhacday shir ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, waxaana Soomaaliya ku heshay codad aqlabiyad ah, taasoo muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee ay dalalka Afrika ku qabaan hoggaanka iyo dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda, xasilloonida iyo amniga guud ee qaaradda. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waa hay’adda ugu sarreysa ee qaabilsan…
Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka wada-hadalka ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xaq buuxa u leeyahay in uu dadaal kasta sameeyo si uusan u fashilmin shirka, maadaama mucaaradku ay aqbaleen gogosha wada-hadalka isla markaana ay yimaadeen caasimadda Muqdisho. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Villa Soomaaliya ay tahay goob sharci ah oo lagu qaban karo shirka, isagoo xusay in diidmada mucaaradka ee tagista Villa ay keeni karto cawaaqib siyaasadeed oo mustaqbalka saameyn ku…