Author: Banaadir24 Editor

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Jabuuti ayaa gacanta ku dhigay shan doon oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha dalka, kuwaas oo laga leeyahay Yemen, iyagoo sidoo kale xiray 19 qof oo la socday doonyahaas. Ciidanka ayaa sheegay in doonyahan ay ku jireen kalluumeysi aan haysan ruqsad rasmi ah, isla markaana ay si sharci darro ah uga faa’iideysanayeen kheyraadka badda ee Jabuuti. Toddobaadkii hore, Dowladda Yemen ayaa ku eedeysay dalalka Jabuuti, Eritrea iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya inay afduubteen kalluumeysatada Yemeni ah meel u dhow xeebahooda. Dhanka kale, Eritrea iyo Jabuuti ayaa ku eedeeyay Xuutiyiinta Yemen inay ku lug leeyihiin…

Read More

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa si weyn u soo dhaweeyay booqashadii uu Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ku tegay hoyga ay Muqdisho ka degan yihiin Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid muujinaysa dadaal siyaasadeed oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo isu soo dhowaanshaha madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Wuxuu rajo ka muujiyay in kulamadaasi noqdaan kuwo horseeda is-faham dhab ah iyo wada-shaqeyn waarta oo saldhig u noqota xasilloonida iyo badbaadada dalka. Sidoo kale, Xildhibaan Xidig ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku booriyay inuu door muuqda ka qaato maaraynta…

Read More

Waxaa xal rasmi ah laga gaaray is-hortaaggii ka taagnaa gelitaanka Xeyndaabka Xalane, kaddib kulan xalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray cabashooyinkii ka dhashay in madaxdii hore ee dalka loo diiday inay gudaha u galaan Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan Hotelka Airport oo ay deggen yihiin madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen in madaxdii hore loo ogolaado gelitaanka garoonka, iyagoo wata tiro kooban oo ka mid ah ilaaladooda gaarka ah. Sidoo…

Read More

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa isku dayay in uu joojiyo shir ay qorsheynayaan xildhibaanno isku magacaabay “Xildhibaannada Xorta ah”, kuwaas oo ka mid ah mudanayaal horay looga ganaaxay ka qeybgalka kulamada labada Aqal ee Baarlamaanka. Xildhibaannadan ayaa qorsheynaa in maanta shir ku yeeshaan Hotel Jazeera oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Go’aanka taliska ayaa yimid kaddib markii xalay hotelka uu tegay taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, kaas oo maamulka hotelka ku wargeliyay in aan la oggolaan karin qabashada shirar noocaas ah. Ilo ku dhow hotelka ayaa u sheegay warbaahinta in maamulka uu ka dalbaday taliska warqad rasmi ah oo lagu…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay xaflad ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanka, hase yeeshee kulanka ayaa si lama filaan ah u soo idlaaday kaddib markii Ra’iisul Wasaaruhu ka kacay goobta isaga oo u kicitimay dhanka Xerada Xalane, si uu ula kulmo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wasiirro la socday Ra’iisul Wasaaraha, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cali Xoosh iyo Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, laga celiyay iridda hore ee goobta kulanka. Kooxda protocol-ka ee Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la sheegay inay…

Read More

Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa galabta ilaa caawa isku dayay inay shir gaar ah ku qabsadaan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane, hase yeeshee waxaa lagu wargeliyay in aan wax hub ah, xitaa bistoolad, lala geli karin gudaha garoonka iyo Xalane. Wararka la helayo ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ammaanku ay si cad u muujiyeen in aan la oggolaan doonin kulan gaar ah oo aan fasax rasmi ah haysan, arrintaas oo loo fasirtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diidan tahay qabsoomidda shirkaasi. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ballan qaaday inuu xallin doono caqabadaha…

Read More

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah xilka uga qaadday Guddoomiyihii iyo Agaasimihii Fulinta ee shirkadda DP World, Sultan Sulayem, kaddib markii magaciisu uu soo galay baaritaanno la xiriira fadeexadda caalamiga ah ee Jeffrey Epstein. Go’aankan degdegga ah ayaa yimid kaddib warbixino soo baxay oo tilmaamaya in uu jiray xiriir ama saameyn la sheegay inuu Sulayem ku lahaa arrimo la xiriira Epstein. Arrintan ayaa loo arkay mid dhaawici karta sumcadda caalamiga ah ee shirkadda DP World iyo kalsoonida lagu qabo jawiga maalgashi ee Imaaraadka. Mas’uuliyiin ku dhow dhow dowladda ayaa sheegay in tallaabadan looga gol-leeyahay ilaalinta danaha dhaqaale ee dalka,…

Read More

Ciidanka Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan miino ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku aaseen inta u dhaxeysa deegaannada Biibi iyo Jannaay Cabdalle, oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo. Miinadan oo la sheegay in lagu waxyeelleyn lahaa shacabka Soomaaliyeed ayaa ciidamadu ku guuleysteen inay si nabad ah u soo saaraan una fashiliyaan, iyada oo aan wax khasaare ah geysan. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada Jubbaland. Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, gaar ahaan kuwa maleegaya…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta u safray dalka Ethiopia, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shirka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa. Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan wadamada Geeska Afrika, iyo ka qeyb qaadashada arrimaha amniga, horumarka iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda. Shirka Midowga Afrika oo ay ka soo qeyb galayaan madax iyo wakiillo ka kala socda dalalka xubnaha ka ah ururkaasi, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, la…

Read More

Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaannada Beerayabaal iyo Caag Bashiir ee gobolka Hiiraan. Hawlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Wararka laga helayo saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegaya in ciidamadu ay si buuxda u burburiyeen gabaadyadii iyo fariisimihii ay halkaasi ku lahaayeen kooxda, isla markaana ay dib u xaqiijiyeen amniga goobihii laga fuliyay howlgalka. Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo…

Read More