Author: Banaadir24 Editor

Waxaa maanta lagu qabtay Hotel Airport kulan muhiim ah oo u dhexeeyay xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka iyo guddigii farsamo ee ay shalay magacaabeen xildhibaannada isku magacaabay Baarlamaanka Xorta ah. Kulankan oo saacado qaatay ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo marxaladda cakiran ee uu marayo Baarlamaanka Federaalka, kaas oo muddooyinkii dambe ay hareeyeen khilaafaad siyaasadeed iyo doodo culus oo la xiriira arrimaha dastuurka. Khilaafaadkaas ayaa sababay in Baarlamaanku u kala jabo laba garab, iyadoo mid kasta uu sheeganayo sharciyadda iyo hoggaaminta hay’adda sharci-dejinta. Intii uu socday kulanka, guddiga farsamada ayaa madaxda Golaha Mustaqbalka la wadaagay ajandayaashooda shaqo…

Read More

Ciidamo ka socda dalka Turkey oo ka howlgala Somalia ayaa lagu arkay saldhigga Qorilow iyo deegaanka Bashaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo wata gaadiid gaashaaman, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Goobaha la arkay ciidamadan ayaa hore uga howlgali jiray ciidanka Gorgor, kuwaas oo tababar iyo taageero ka hela Turkiga. Wararka ayaa intaas ku daraya in deegaannadaas loo qorsheeyay horumarinta garoon diyaaradeed cusub iyo dekad, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalka ama heerka uu marayo mashruucaasi. Ilaa hadda ma cadda in joogitaanka ciidamadan uu ku egyahay kormeer iyo la-talin la xiriirta mashaariicda la qorsheeyay, ama in ay…

Read More

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeybgalay shirka Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa kulamadaas diiradda ku saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika, isaga oo sidoo kale la wadaagay madaxda ka qeybgalaysay shirka warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumarka laga sameeyay dhinaca amniga iyo dadaallada dowladdu ku doonayso xasillinta iyo dib-u-dhiska qaranka. Intii uu ku sugnaa Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya iyo hoggaamiyeyaal kale, kuwaas oo ay ka wada…

Read More

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalladan ayaa waxaa fuliyay Ururka 10-aad ee Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka Guutada 18-aad, Col. Khadar Axmed Cabdi. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaannada hoostaga Raage Ceele. Howlgallada ayaa si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Gayfo, Boscadur iyo Yonbar oo dhaca waqooyiga degmada Raage Ceele. Ciidamada ayaa sameeyay miino baaris iyo hubin amni oo lagu sameeyay waddooyinka iyo…

Read More

Warbaahinta gudaha Yemen ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah xubnaha ugu sareeyay ururka Al-Shabaab ee xiriirka arrimaha dibadda, Jabriil Gacameey, uu ku dhintay duqayn ka dhacday gudaha Yemen. Jabriil Gacameey, oo si weyn looga yaqaan gudaha Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu lahaa xiriir dhow oo la leh kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Warbaahinta waxaa ka muuqda baasaboor rasmi ah oo Yamani ah, kaas oo uu watay Jabriil Gacameey. Baasaboor-ka waxaa ku qoran magaciisa, Cabdulqaadir Yaxye Cali, iyadoo sidoo kale lagu xusay inuu ka soo jeedo magaalada Hudayda ee Yemen, isla markaana uu u shaqeynayay sidii shaqaale…

Read More

Warbaahinta ka howlgasha dalka Turkiga ayaa daabacday warar sheegaya in hay’adaha sirdoonka ee Sacuudiga ay wadaan qorsheyaal la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana lagu eedeeyay inay doonayaan in la soo qabto Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Warbixinnadan oo ku saleysan ilo-wareedyo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in arrintan ay la xiriirto isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika iyo loollanka saameynta ee u dhexeeya dalalka gobolka. Ilo wareedyadaasi waxay xuseen in dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo kuwo sirdoon ay socdaan, inkastoo aan la bixin caddeymo rasmi ah oo arrintan taageeraya. Ilaa hadda ma jiro war rasmi…

Read More

Mucaaradka ku mideysan dalladda Golaha Mustaqbalka ayaa war ay soo saareen kadib shir dheer oo ay yeesheen ku dalbaday in si cad loo shaaciyo goobta lagu qabanayo shirka wadatashiga siyaasadeed, isla markaana la isla garto hannaanka doorashada dalka. Mucaaradka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda, si looga fogaado muran hor leh oo sababi kara xasilooni darro siyaasadeed. Waxay carrabka ku adkeeyeen in kalsooni buuxda lagu dhisi karo oo keliya wada-tashi furan iyo hannaan la isku raacsan yahay. Sidoo kale, mucaaradka ayaa sheegay in tashigooda ku aaddan xaaladda…

Read More

Xildhibaanadii dhawaan ganaax lagu soo rogay ee isku magacabay “Xildhibaanada Xorta ah” ayaa maanta shir gaar ah ku yeeshay xarunta ololaha Musharax Madaxweyne Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Shirkan ayaa ka dambeeyay markii xildhibaannadaasi loo diiday in ay ku shiraan Hotel Jazeera, sida la sheegay in Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, uu maamulka hotelka ku wargeliyay in aan la oggolaan karin qabashada kulankaasi. Inta lagu guda jiray shirkan, xildhibaanadu waxay sameysteen guddi ka talin doona tallaabooyinka iyo sharciyada la xiriira Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, iyaga oo sidoo kale sheegay inay qorshaynayaan doorashada guddoomiye cusub. Kulankan cusub ayaa kusoo aadaya…

Read More

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta kulan gaar ah kula leh magaalada Muqdisho madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka oo ka dhacaya hotel ku yaalla xerada Xalane ayaa la sheegay in intiisa badan diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, amniga iyo geeddi-socodka doorashooyinka. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dhinacyadu ay is dhaafsanayaan aragtiyo ku saabsan marxaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa hoggaanka federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Kulankan ayaa imaanaya xilli hore uu u jiray khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhaxeeyay dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo iyo madaxda…

Read More

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar ay maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen deegaanka Yoocale ee Gobolka Galgaduud, kaas oo sababay dhimashada saddex nin iyo dhaawaca laba kale. Dadka la dilay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la xaqiijiyey inay ka soo jeedaan degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud. Wararka hordhaca ah ee laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in ragga weerarka fuliyey ay ka yimaadeen deegaanka Baqdaad, oo hoostaga degmada Xerale. Weerarkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo hore uga dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey ka jiray degaano katirsan…

Read More