Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa si rasmi ah ugu gudbisay Wasaaradda Horumarinta Biyaha liiska shaqaale loo xulay inay ka qaybgalaan tababar caalami ah oo la xiriira horumarinta iyo maareynta adeegyada biyaha, kaas oo lagu qaban doono dalka Israa’iil. Warqad rasmi ah oo ku taariikhaysan 28-ka January 2026, tixraaceeduna yahay WBH/17/01/2026, kuna socota Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, ayaa lagu sheegay in shaqaalahan la soo xulay ay yihiin kuwo leh khibrad sare iyo aqoon ku filan oo la xiriirta hawlaha biyaha, isla markaana door muhiim ah ka qaata shaqooyinka maalinlaha ah ee wakaaladda. Ujeeddada ugu weyn ee tababarkan ayaa ah: In la xoojiyo…
Duqeymo xoogan ayaa maanta lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku yaalla deegaanka Waabweyn oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa lagu bartilmaameedsaday xerooyin la sheegay in ay ku diyaarsanaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay…
Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin u dhashay dalka Yemen oo la sheegay inuu ka mid ahaa maleeshiyaadka Daacish, kadib howlgal qorsheysan oo si gaar ah looga fuliyay degaanka Tasjiic ee ku yaalla Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Howlgalkan oo ahaa mid si xeeladaysan loo abaabulay ayaa lagu beegsaday goobo la tuhunsanaa inay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Daacish. Wararka laga helayo saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in ninkan Yemeni-ga ah lagu qabtay isagoo ku sugan mid ka mid ah fariisimaha ay kooxdu ku lahayd dhulka buuraleyda ah, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ciidamada Puntland ka wadeen howlgallo isdaba-joog…
Waa Sawirka mid kamid ah dadka loo diiday inay galaan dalka Australia. Australia ayaa dalkeeda ka mamnuucday muwaadin lala xiriirinayo kooxda Daacish muddo labo sano ah, iyaga oo ku sugnaa xero ku taalla dalka Suuriya. Qofkaan ayaa ka mid ah koox ka kooban 34 haween iyo caruur Australian ah oo qorsheynayay in ay ku laabtaan dalkooda ka dib markii laga soo daayay xero ku taal Suuriya horaantii todobaadkan, laakiin ay dib u celiyeen mas’uuliyiinta “sababo farsamo”. Wasiirka arrimaha gudaha ee Australia Tony Burke ayaa Arbacadii sheegay in mamnuucida la soo saaray “iyaga oo talada ka helaya hay’adaha ammaanka” isaga oo…
Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay in ka badan 100 dowladood iyo ururo caalami ah oo si wadajir ah u soo saaray bayaan lagu cambaareynayo tallaabooyinka ay qaadday Israel ee ku saabsan dhulka la haysto ee West Bank. Bayaanka ayaa si adag u dhaleeceeyay go’aannada hal-dhinaca ah ee lagu ballaarinayo degsiimooyinka, kuwaas oo lagu sheegay inay ka hor imaanayaan waajibaadka saaran Israel ee ku xusan sharciga caalamiga ah. Dowladaha saxiixay bayaanka ayaa ku baaqay in si degdeg ah dib looga noqdo tallaabooyinkaasi, iyagoo muujiyay diidmo cad oo ku wajahan nooc kasta oo ku darsasho (annexation). Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu…
Waxaa barqanimada maanta si rasmi ah uga furmaya xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo diiradda saarayo xaaladda guud ee dalka iyo ajandayaal qaran oo la isku waafaqsan yahay. Kulanka oo uu Shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furitaankiisa lagu gorfeyn doonaa xaaladda amni, midda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee dalka. Ajandayaasha Shirka Marka laga gudbo qiimeynta xaaladda guud ee dalka, madaxdu waxay u gudbi doonaan ka doodista ajandayaasha muhiimka ah ee horey layskula qaatay. Qodobada la filayo in la isla soo qaado waxaa ka mid…
Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa toddobaadka soo socda qorsheynaya inuu safar hal maalin ah ku tago dalka Itoobiya, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xukuumadda Israa’iil oo la hadlay wargeyska The Times of Israel. Wararka ayaa sheegaya in Herzog uu la kulmi doono hoggaanka ugu sarreeya ee Itoobiya, iyadoo safarkan uu qeyb ka yahay dadaallada Israa’iil ay ku xoojinayso isla markaana ku ballaarinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddamada qaaradda Afrika. Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Turkiga uu isna 17-kii Febraayo safar shaqo oo hal maalin ah ku tegay magaalada Addis Ababa, taasoo muujinaysa tartanka…
Taliyaha guutada 16’aad ee Kumaandooska Danab, ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Cabdicasiis Xuseen Maxamed (Military), ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Carbiska ee degmada Afgooye, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Danab. Ujeeddada kormeerka taliyaha ayaa ahayd dhiirrigelin iyo qiimeyn ku saabsan xaaladda guud, diyaar-garowga ciidanka, iyo sida ay u socdaan howlaha shaqo. Intii uu ku sugnaa deegaanka, taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha iyo askarta, isagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira guulaha ay ciidanku ka gaareen sugidda amniga. Sidoo kale, wuxuu bogaadiyey dadaalka iyo feejignaanta ay muujiyeen. Taliyaha ayaa ku boorriyey cutubyada inay sii xoojiyaan…
Hay’adaha sirdoonka iyo ammaanka ee dalka Kenya ayaa fashiliyey weerar ballaaran oo ay qorsheynaysay kooxda Al-Shabaab, kaas oo la doonayay in laga fuliyo magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Howlgalkan ayaa yimid kadib baaritaan qarsoodi ah oo bilo socday, laguna beegsaday shabakad looga shakiyay inay xiriir la leedahay Al-Shabaab, gaar ahaan gudaha iyo hareeraha xeryaha qaxootiga ee Dadaab. Ilo wareedyo amni ayaa sheegay in baaritaanka uu socday muddo bilo ah, kadib markii sirdoonku heleen xog muujineysa in kooxo xiriir la leh Al-Shabaab ay diyaarinayeen weerarro qorsheysan. Baaritaanka ayaa diiradda lagu saaray dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay oo ka jiray Dadaab, halkaas oo la…
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusman Cabdullahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Yuusuf Cali, iyo mas’uuliyiin kale. Qalabkan, oo lagu wareejiyey munaasabad ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacad, ayaa la sheegay inuu yahay mid casri ah, isla markaana kor u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u-diyaargarowga cutubka, kaas oo dhowaan soo dhameystay tababar sare…