Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Shir xasaasi ah oo ay iskugu yimaadeen maamulka Degmada Buur-Hakaba iyo saraakiisha ciidanka ayaa lagu qabtay xarunta degmada, iyadoo shirkaasi looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee degmada iyo xayiraaddii la saaray garoonka diyaaradaha Buur-Hakaba. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saameynta ay xayiraadda garoonku ku yeelatay isku socodka dadka iyo adeegyada muhiimka ah ee degmada, iyadoo masuuliyiintu sheegeen in tallaabadaasi ay keentay cabashooyin ballaaran oo ka imaanaya bulshada. Guddoomiyaha Degmada Buur-Hakaba iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta oo warbaahinta la hadlay kadib shirka ayaa si cad uga soo horjeestay maamulka ay ka tirsan yihiin ee Koonfur Galbeed. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay…
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in haddii uu dagaal ku soo qaado Mareykanka, saameyntu aysan ku koobnaan doonin Iiraan oo keliya, balse ay gaari doonto gobolka iyo dunida oo dhan. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in laga fogaado hadallo iyo tallaabooyin hurin kara colaado cusub. Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli uu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, sheegay inuu Iiraan siiyay muddo 10 maalmood ah si ay u oggolaato wada-hadal. Trump marar badan wuxuu ku adkeeyay in Iiraan ay miiska wada-hadalka timaaddo, isagoo sidoo kale ka digay cawaaqib ka dhalan kara haddii aan xal diblomaasiyadeed la gaarin. Haddii…
Waxaa burbur ku dhow shirkii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaddib markii maalintii labaad ee wada-hadallada ay baaqdeen, iyadoo la sheegay in labada dhinac ay isku mari waayeen qaabka wada-xaajoodka iyo ajandaha arrimaha doorashooyinka. Wararka laga helayo ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka ay iska soo xuleen xubno kooban oo matala si ay ula gorgortamaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, hase yeeshee la tilmaamay in Madaxweynaha uu diiday qaabkaas, isla markaana uu ku adkeystay in wada-hadallada ay noqdaan kuwo ay ka wada qeybgalaan dhammaan xubnaha Golaha. Khilaafka ugu weyn ayaa la xiriira nooca doorashooyinka dalka ka…
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in xaalad macaluul ah ay ku dhufan karto Soomaaliya, kaddib markii abaarta sii daba dheeraatay ay saameysay in ka badan 4 milyan oo qof oo ku kala nool gobollo kala duwan oo dalka ah. Warbixin ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in dadkaasi ay wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag, iyadoo ay sii kordhayaan baahiyaha dhinacyada cuntada, biyaha iyo adeegyada caafimaadka. Qoysas badan ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan deegaanadoodii, halka carruurta iyo haweenka ay yihiin kuwa ugu nugul dhibaatada. Dhanka kale, Hay’adda World Food Programme (WFP) ayaa sheegtay inaysan haynin dhaqaale…
Maanta oo Jimco ah waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Adde International Airport ka soo degtay diyaarad xamuul ah oo sida qalab millatari, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah. Wararka ayaa tilmaamaya in qalabkan laga leeyahay dalka Turkey, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin nooca iyo tirada agabka ay diyaaraddu waday. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli muddooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho ay si isdaba joog ah uga degayeen diyaarado sida qalab millatari. Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si cad ugama hadlin diyaaradaha iyo maraakiibta la sheegay inay sidaan agab millatari, taas oo dhalisay hadal-heyn iyo walaac siyaasadeed. Siyaasiyiin…
Horjooge ka ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, kaddib howlgal qorsheysan oo maalmihii u dambeeyey ka socday aagga deeganka deynuuney. Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullahi Cali Maxamed ayaa muddo ka tirsanaa Al-Shabaab, kana qeyb qaadanayey falal lidi ku ah amniga iyo xasilloonida shacabka. Isa soo dhiibistiisa ayaa timid iyadoo ciidamada ay kordhiyeen baacsiga iyo burburinta fariisimaha ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab ee degaannada Koonfur Galbeed. Howlkalka ayaa waxaa fuliyey Ururka 115-aad ee Ciidamada Booliiska Gaarka ah, waxaana horkacaayey Taliyaha Ururka, Ayuub Cabdi Ibraahim, kaas oo xaqiijiyey in howlgaladu ay sii socon…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo xooggan oo ka dhacay magaalada Moqokori iyo deegaanno hoos yimaada, kuwaas oo lagu beegsaday dagaalameyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, duqeynta ayaa si gaar ah u haleeshay goob ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in shir uga socday gudaha magaalada. Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in goobta la bartilmaameedsaday si weyn loo burburiyay, iyadoo la rumeysan yahay inuu jiro khasaare soo gaaray dhinaca maleeshiyaadka. Ilaa iyo hadda, Al-Shabaab si rasmi ah uma shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, hase yeeshee warar ay baahiyeen…
Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Amiir, ayaa warqad furan u diray Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo ugu baaqay in uu ka qeyb galo shirarka wadatashiga ee ka socda caasimadda. Warqadda furan ayaa timid kaddib marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo ku soo beegantay xilli dalka uu wajahayo duruufo adag oo isugu jira abaaro, duruufo nololeed iyo khilaafaad siyaasadeed oo soo jiitamayay. Guddoomiyihii hore ayaa ku ammaanay dhinacyada ku lugta leh wada-hadallada, gaar ahaan madaxtooyada iyo Golaha Mustaqbalka, isaga oo xusay in is horfadhiisiga iyo wada hadalku ay yihiin dhaqan Soomaaliyeed…
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in shirkii la filayay inuu maanta markale ka qabsoomo xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uu baaqday. Shirkaasi ayaa qorshuhu ahaa in ay ka qeybgalaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo lagu waday inay la kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka ayaa tilmaamaya in baaqashada shirka ay timid kaddib codsi ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la sheegay inuu wado la-tashiyo kala duwan oo uu la yeelanayo saaxiibadiisa siyaasadeed…
Qarax miino ayaa lala eegtay Taliyaha Caafimaadka ee Isbitaalka Madiino, Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Afgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo ammaanka ka tirsan. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in miinada lagu xiray gaari uu leeyahay taliyaha, xilli uu ka maqnaa gaariga oo uu ku maqnaa gudashada salaadda. Koox aan weli la aqoonsan ayaa la rumeysan yahay inay miinada ku xireen gaariga intii uu yaallay goobta. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka xarunta gaadiidka booliska, oo deris la ah xarunta hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA, taasi oo sare u qaaday feejignaanta ammaanka ee halkaasi ka jirta. Ilo goob-joogayaal ah ayaa sheegay in…