Author: Banaadir24 Editor

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ay saldhig cusub ka sameysteen magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool ee dowlad Goboleedka Waqooyi Bari. Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid ka tarjumeysa dadaalka dowladda federaalka ah ee lagu xoojinayo joogitaanka iyo awoodda ciidamada cirka, gaar ahaan deegaannada istaraatiijiga ah ee dalka. Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in dhismaha iyo diyaargarowga saldhiggan uu muddooyinkii u dambeeyay si xowli ah u socday. Waxaa la sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan taliska Ciidanka Cirka ay booqashooyin iyo kormeerro shaqo ku tageen magaalada, iyagoo qiimeyn ku sameynayay howlaha dhismaha iyo qalabeynta saldhigga.…

Read More

Somaliland ayaa si kulul u cambaareysay hadallo dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Turkiga, kuwaas oo ay ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo lagu wiiqayo xiriirka iyo iskaashiga ay Somaliland la leedahay dalalka iyo saaxiibbada gobolka. War-saxaafadeed degdeg ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in hadallada Madaxweynaha Turkiga ay yihiin kuwo lagu carqaladeynayo dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo xiriirrada ay la dhisanayso waddamada gobolka. Dowladda Somaliland ayaa caddeysay in go’aamada siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka Geeska Afrika ay tahay in ay si madax-bannaan u gaaraan dowladaha iyo shucuubta…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay markale hub iyo gaadiid dagaal kala degtay Dekedda Weyn ee Muqdisho, iyadoo la arkayay dhaqdhaqaaq ballaaran oo la xiriira dejinta qalab militari oo culus. Goobjoogayaal ku sugnaa nawaaxiga dekedda ayaa sheegay in saqdii dhexe ee habeenkii la bilaabay dejinta qalab lagu tilmaamay mid culus, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin noocyada uu ka kooban yahay hubkaasi. Baabuurta waaweyn ee konteenarada qaada ayaa la arkayay iyagoo ka soo baxay dekedda, kuna sii jeeda bartamaha caasimadda, halkaas oo la rumeysan yahay in si ku-meel-gaar ah loogu keydinayay. Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo…

Read More

Maanta oo ku beegan Maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan, ayaa qeybo kamid ah degmooyinka Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug laga soo sheegayaa in aan laga soomin, kaddib go’aan ka soo baxay hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca. Degmooyinka ugu badan ee aan laga soomin waxaa kamid ah Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Guriceel, halkaas oo dadka ku nool ay sheegeen inay raaceen war kasoo baxay culimada iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aanka ah in aan maanta laga soomin…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo uu wehlinayay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa xalay kulan gaar ah oo albaabadu u xirnaayeen la qaatay Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah. Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa labada madaxweyne kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya isaga iyo xukuumaddiisa, iyo sida xal waara looga gaari karo arrimaha taagan. Jubbaland iyo Puntland oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka ayaa sheegay in uu ku…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in laga arkay Bisha Barakeysan ee Ramadaan qaybo ka mid ah gudaha dalka, taasoo muujinaysa bilowga bisha soonka ee sannadkan. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warbixino la xaqiijiyay oo ku saabsan aragtida bisha laga helay deegaanno ka tirsan waqooyiga dalka iyo sidoo kale magaalooyinka kala ah Beledweyne, Jowhar iyo Baydhabo. Go’aankan ayaa imaanaya kaddib markii culimada iyo guddiyada qaabilsan la socodka bilaha Hijriga ay xaqiijiyeen in si muuqata looga arkay meelo kala duwan oo dalka ah, taasoo ka dhigan in berri si rasmi ah loo guda geli…

Read More

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Decale waxaa Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Mafaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxda Golaha Mustaqbalka ka dalbaday in ay yimaaddaan Madaxtootada Qaranka inta lagu guda-jirey kulanka qadada, si ay halkaasi uga sii socdaan wada-hallada siyaasadeed ee DFS & Mucaaridka. “Madaxtootada cidna idin kama leh, berri baa xukumi kartaan.” Ayuu raaciyey hadalkiisa Md.Xasan, sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiinta goobjoogga ah dhinaca mucaaridka ayaa hadalkooda ku koobay; ka-mahadcelin hadhimo-sharafeedka & soodhoweynta iyaga oo aan ka hadal tegista Madaxtooyada. Madaxweyne Xasan, Madaxweyne Deni…

Read More

.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqan gelisay nidaamka cusub ee ETA (Electronic Travel Authorization) laga bilaabo 15-ka Febraayo 2026, taasoo noqonaysa tallaabo cusub oo lagu xakameynayo socdaalka caalamiga ah iyo gelitaanka dalka. ETA waa Oggolaanshaha Socdaalka Elektaroonigga ah, dukumiinti elektaroonik ah oo safarka ka hor lagu dalbado si loo xaqiijiyo xogta iyo ujeeddada qofka doonaya inuu Soomaaliya u safro. Codsiyada ETA waxaa laga dalbanayaa internet-ka, waxaana lagu ansixiyaa ka hor inta qofku uusan diyaaradda raacin. Dhaqan gelinta nidaamka ETA waxa ay ku soo beegantay iyadoo Soomaaliya horay u hirgelisay nidaamka e-Visa, kaas oo ah fiiso elektaroonik ah…

Read More

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Khayre oo katirsan Golaha Mustaqbalka ayaa u guuray xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland. Hoggaamiyeyaashan hore oo horay u deganaa guryo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa la sheegay in tallaabadan ay qaadeen si ay isaga yareeyaan caqabadaha dhinaca socdaalka ee kaga imanaya xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in xiisadda u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ay sii xoogeysatay kaddib markii laba jeer laga hor istaagay Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble inay galaan Xalane, si ay uga qeybgalaan…

Read More

Kulankaan ayaa ahaa xog iswareysi iyo xaaladaha ku gadaaman qabsoomidda shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo u xayiran goobta lagu shiri lahaa. Xubnaha golaha Mustaqbalka ayaa u sheegay xubnaha Bulshada Rayidka iyo dhaqanka inay diyaar u yihiin shirka laakiin ay kasii niyad jebayaan maadaama ku dhawaad laba usbuuc uu u xayiranyahay madaxweyne Xasan Sheekh. Bulshada Rayidka iyo dhaqanka ayaa kula taliyey golaha mustaqbalka inay sabraan tanaasulna muujiyaan si uu u guuleysto shirkaan, ayagoo madaxda Puntland iyo Jubaland ka codsaday inay joogaan oo aysan bixin ilaa shirkaan ka qabsoomayo.

Read More