Author: Banaadir24 Editor

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka. Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Patrobas Paschal Katambi. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Duhulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala. Heshiiskan waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika. Labada dhinac ayaa isla qaatay…

Read More

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Airport, waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo isdaba joog ah oo u dhexeeya Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo xildhibaano ka soo kala jeeda Galmudug iyo Hirshabelle. Kulamadan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray isku soo dhowaanshaha dhinacyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta siyaasadeed, xilli uu jiro dadaal ku aaddan in uusan fashilmin shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka. Wararka la helayo ayaa sheegaya in xildhibaanada ka soo jeeda Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo xiriir dhow la leh Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, laga doonayo inay kaalin muuqata ka qaataan…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa sheegay in Madaxda Puntland iyo Jubbaland aysan ku qasbanayn inay tagaan Villa Somalia si ay ula kulmaan Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay isagoo ka jawaabaya hadal kasoo yeeray Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, xilli uu weli taagan yahay muran ku saabsan halka lagu qabanayo shirka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo mucaaradka. “Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana inay tagaan Madaxwtooyada Soomaaliya, waxaan Muqdisho u nimid inaan Soomaaliya badbaadino,” ayuu yiri Cabdifataax Maxamed Mukhtaar. Wuxuu intaas ku daray in madaxda maamul goboleedyada ay diyaar u yihiin wada-hadal iyo xal…

Read More

Ciidanka Xogga dalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal muhiim ah ka fuliyay inta u dhaxaysa Moqokori iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan, iyagoo kaashanaya ciidamada Xaq u dirirka deegaanka. Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo 4 xubnood oo ka mid ah kooxdaas la dilay. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamadu waxay cagta mariyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayayay inay dhibaateeyaan Shacabka, waxaana la xaqiijiyay in gaari ay wateen xubnaha Al-Shabaab lagu gubay howlgalka. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa wali sii wada howlgalka iyagoo ku raad jooga xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo la…

Read More

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in taangiyo iyo agab milatari oo dhawaan soo gaaray dalka loo daabulay gobolka Shabeellada Dhexe, si ay ugu howlgalaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamo ka socda dalka Turkiga. Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka, kuwaas oo la xiriira qorshe la doonayo in lagaga saaro deegaanno ay muddo sanado ah gacanta ku hayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada ay wadaan abaabul iyo dhaqaaqyo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo howlgalka la filayo in maalmaha soo socda ka bilowdo gobolka. Sidoo kale, waxaa la…

Read More

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo eedeysane oo lagu helay falal dilal iyo qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Labada nin ee xukunka lagu fuliyay ayaa kala ahaa Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa horay ugu xukuntay raggaan dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay inay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo sababay dhimashada muwaadiniin Soomaaliyeed oo rayid ah. Sida ay sheegeen masuuliyiinta maxkamadda, fulinta xukunka ayaa ahayd mid lagu oofinayo xadkii Qisaasta ahaa ee horey loogu…

Read More

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo kulamadan, waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xasilloonida siyaasadeed iyo shirka la filayo inuu dhexmaro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka. Kulamadan ayaa imanaya xilli uu jiro dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xooggan, iyadoo madax kala duwan oo xilal ka haya dowladda iyo kuwo horey xilal…

Read More

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Gen. Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Sheikh Ali Dhuxulow, ayaa gaaray magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, iyagoo ku jooga booqasho rasmi ah oo qaadan doonta laba maalmood. Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, H.E. Amb. Ilyas Ali Hassan. Booqashadan rasmiga ah ayaa la filayaa inay xoojiso xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, socdaalka, iyo horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee labada waddan. Inta uu socdo safarku,…

Read More

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una diiday aqoonsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland, Midowga Afrika ayaa mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa sidoo kale taageeray bayaankii uu 26-kii Diseembar 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo si cad u diiday tallaabo kasta ama hindise kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in…

Read More

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo Maxamed Qadar Cali Aadan oo loo heystay labaduba Dilal iyo Qaraxyo Magaaladda Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo Ka dhacay 2025. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bisha Labo iyo Tobonaad 2025. Maxamed Aadan Abuukar Shan iyo Toban Sano oo xabsi Argagaxiso ah halka Maxamed Qadar Cali Aadan isna lagu xukumay Taban Sano oo xabsi Argagaxiso ah, balse Xafiiska Xeerilaalinta…

Read More