Author: Banaadir24 Editor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan uu magaalada Muqdisho kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha, waxgaradka iyo haweenka Beesha Hawiye kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka, amniga iyo khilaafka doorashooyinka. Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah u dhaliilay hanaanka wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee ay waddo dowladda federaalka, isagoo sheegay in isbeddelladaasi aysan ahayn kuwo loo maray wadatashi qaran oo dhammaystiran. Wuxuu xusay in aan la aqbali karin dastuur wax ka beddel lagu sameeyo iyadoo aan la helin heshiis ay ku mideysan yihiin dowlad-goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka. “Dastuurkan la…

Read More

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay dhacdooyinkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay xaafadda Buula-Maaxaay ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayaa lagu sheegay in Himilo Qaran uu la wadaagayo xanuunka, tacsida iyo dareenka qoysaska eheladooda ku waayay musiibadaasi, isla markaana uu Alle uga baryayo marxuuminta in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna uu siiyo caafimaad deg-deg ah. Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa Maanta rasaaseeyay Dad Shacab ah oo ka bannaan baxayay Guryahooda oo la…

Read More

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, ayaa shaaciyay inay si buuxda u garab istaagayaan hanaanka maamul ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaanadan ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay xoojinta dowladnimada, sugidda amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee maamulka si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaannada Koonfur Galbeed. Waxay tilmaameen in marxaladda uu marayo maamulka Koonfur Galbeed ay u baahan tahay midnimo siyaasadeed iyo…

Read More

Shirkii Golaha Mustaqbalka ayaa si rasmi ah u soo idlaaday, iyadoo dhinacyadii ka qeybgalay ay isla garteen in mar kale lagu laabto xarunta Villa Soomaaliya si loo sii ambaqaado wadahadallada. Wararka hordhaca ah ee laga helayo shirka ayaa tilmaamaya in dhinacyadu ay isku raaceen in la sii wado wada xaajoodka, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin qodobada laga heshiiyay, gaar ahaan kuwa quseeya habka doorashada dalka iyo hannaanka lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah. Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa si cad u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay inay jirto khilaaf u dhexeeya xubnaha.…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqasho iyo dhiiragelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaarinayo adkeynta amniga iyo ilaalinta dowladnimada koonfur galbeed. Madaxweynaha ayaa adkeeyey in dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka go’an tahay taageeridda iyo tayeynta ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan difaaca dalka, ilaalinta dowladnimada, iyo ciribtirka kooxaha Al-Shabaab. Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in Ciidamadan loo diyaariyay inay difaacaan Maamulka Koonfur Galbeed. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga, dib u dhiska hay’adaha…

Read More

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyootay, siddeed kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay maanta howlgallo burburin ah ka fuliyeen xaafado ku yaalla waqooyiga magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayaa ka dhacay xaafadaha Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan iyo Alcadaala oo ka tirsan degmada Hiliwaa, halkaas oo la sheegay in guryo ay deganaayeen dad shacab ah la burburiyay si dad Ganacsato ay dowladdu siisay looga iibsado. Sida ay sheegeen goobjoogayaal, ciidamada howlgalka fulinayay ayaa isugu jiray kuwa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidamada Booliska Milatariga, iyagoo watay cagafyo loo adeegsaday duminta guryaha. Dadka deegaanka ayaa la sheegay…

Read More

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa kulan xasaasi ah uga socdaa xarunta Xalane, iyagoo ka arrinsanaya kulamadii shalay iyo Maanta baaqday ee ay la lahaayeen Dowladda Federaalka. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka aysan weli ku heshiin aragti mideysan oo ay la hor tagaan Madaxweynaha. Shirkan maanta ayaa diiradda lagu saarayaa sidii ay u gaari lahaayeen mowqif cad oo mideysan, si ay ula kulmaan Madaxweynaha, ugana wada hadlaan arrimaha doorashada. Waxaa horay u jiray is mari-waa ku saabsan qaabka kulanka labaad loo qabanayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diiday inuu la kulmo guddi ay iska soo…

Read More

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta ee dalka Uganda, Joseph Ssemwanga, ayaa xaflad sagootin ah u sameeyey cutub ka tirsan ciidanka oo loo soo dirayo dalka Soomaaliya, si ay ugu biiraan howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda dalka. Ciidankan oo si buuxda u soo dhammaystay tababarkoodii ayaa lagu dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo kala dambaynta, isla markaana si hufan oo sharaf leh ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay nabaddooda ilaalinayaan. Taliye ku-xigeenka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in askartu ay yihiin wakiillada dalkooda, isaga oo yiri: “Waxaad tihiin safiirradii Uganda. Calanka iyo astaanta garabkiinna sudhan waxa ay na xasuusinayaan in aad nagu metelaysaan…

Read More

Kulankii dhawaan ka dhacay xarunta Villa Somalia ee ay yeesheen madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa si weyn loogu hadal hayaa, kaddib markii ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle. Saddexdan maamul oo si cad u taageersan dowladda dhexe ayaa lagu soo warramayaa in waqtigoodii dastuuriga ahaa uu dhammaaday, iyagoo aan weli qaban doorashooyin. Arrintan ayaa dhalisay dood xooggan, gaar ahaan xubnaha Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in si degdeg ah loo qabto doorashooyin ka dhaca saddexdan maamul, isla markaana dowladda Federaalka ay aqbasho hirgelinta arrintaas. Wararka laga helayo ilo ku dhow kulanka…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa toogasho fagaare ah ku fulisay 10 dhalinyaro ah oo ku kala sugnaa magaalooyinka Bu’aale iyo Kuunya Baroow ee gobolka Jubbada Dhexe. Wararka laga helayo magaalada Bu’aale ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay shacabka isugu yeertay fagaare ku yaalla bartamaha magaalada, halkaas oo lagu soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo kooxda ay ku eedeysay inay ahaayeen “jaajuusiin”. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in shantaasi dhalinyaro ah isla goobtaas lagu toogtay, kadib markii lagu dhawaaqay eedeymaha loo jeediyay. Sidoo kale, fagaare ku yaalla magaalada Kuunya Baroow ayaa lagu toogtay shan dhalinyaro ah oo kale, kuwaas oo Al-Shabaab ku eedeysay inay la…

Read More