Author: Banaadir24 Editor

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur. Soomaaliya waxay garab istaag u muujineysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, iyadoo u rajeynaysa dhaawacyada bogsasho degdeg ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageeraysaa dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno…

Read More

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Maxaa Siciid oo ka tirsan Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidanka oo shalay gudaha u galay deegaanka ayaa saaka si buuxda u xaqiijiyay amniga, kaddib markii ay ka saareen dhammaan miinooyin iyo walxaha qarxa ee ay halkaasi ku aaseen maleeshiyaadka Al-Shabaab ka hor inta aan laga saarin deegaanka. Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in howlgalku u dhacay si qorsheysan, isla markaana lagu guuleystay in la burburiyo fariisimihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, iyadoo aan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada…

Read More

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay degaanka Shallaanbood oo hoostaga degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay bar-koontorool oo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degaanka Shallaanbood. Sida ay wararku sheegayaan, ugu yaraan laba askari ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, halka uu jiro dhaawac soo gaaray askar kale, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada guud ee dhaawacyada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu si lama filaan ah u dhacay xilli ay ciidamadu ku sugnaayeen bar-koontoroolka, taasoo sababtay khasaare degdeg ah iyo hakad…

Read More

Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay maanta gelinka hore yeeshaan shir gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, kadib markii wadahadalladii siyaasadeed ee u socday ay natiijo la’aan ku soo dhammaadeen. Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku adkeystay mowqifkiisa la xiriira hannaanka doorashada federaalka iyo tan Dowlad Goboleedyada, arrintaas oo sii adkaysay in la gaaro is-afgarad buuxa oo ku saabsan khilaafka taagan. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka ay xalay qorsheynayeen inay soo saaraan warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan halka ay wax marayaan, balse Madaxweyne…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulan muhiim ah la yeelato wakiillada beesha caalamka, shirkan oo ay codsatay dowladda. Kulanka ayaa waxaa dowladda ku meteli doona Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Jaamac, iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Dhinaca beesha caalamka, waxaa shirka ka qeyb geli doona safiirrada dalalka iyo hay’adaha ku mideysan madasha C6+, kuwaas oo si dhow ula socda geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro ismari-waa siyaasadeed oo ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka iyo nooca doorasho ee dalka la gelinayo. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin…

Read More

Soonka bisha Ramadaan waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, taasoo ku waajib ah qof kasta oo muslim ah oo qaangaar ah, miyir qaba, caafimaadkiisu taam yahay. Sida Islaamka, dadka raacsan diimaha kale, sida Masiixiyadda, sidoo kale way soomaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira farqi u dhexeeya soonka Muslimka iyo Masiixiyiinta. Culumo badan ayaa sheegay in waxyaabaha lagu kala duwan yahay ay ka mid yihiin in Muslimiintu ay soomaan 29 ama 30 maalmood, sida uu xaqiijiyey xadiis ka sugnaaday Rasuulka (NNKH) in bisha Islaamku ay tahay 30 ama 29 maalmood, sidaas darteed soomku wuxuu noqon karaa 30…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu la xiriiray qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka, kaddib markii wadahadalladii uu shalay la heeshay ay natiijo la’aan ku dhammaadeen. Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow dhinacyada wada hadlaya ayaa sheegay in Madaxweynaha uu mucaaradka ka codsaday inay sugaan illaa maanta gelinka hore, isla markaana aysan soo saarin wax warsaxaafadeed ah, si fursad loogu siiyo dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka taagan. Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha uu wado dadaallo dheeraad ah oo lagu badbaadinayo wadahadallada, iyadoo laga yaabo inuu qaato go’aan kale haddii aan horumar laga…

Read More

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay hoggaanka Guutooyinka Qeybta Kumaandooska Gorgor, isaga oo xilalkii ka qaaday qaar kamid ah taliyeyaashii hore, islamarkaana magacaabay hoggaan cusub. Taliye Aadan Maxamed Faarax ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 18-aad ee Qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor, waxaana xilka laga qaaday Taliye Anwar. Taliye Galmadoobe ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 19-aad, isagoo beddelay Taliye Cosoble. Taliye Xuseen Molif ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor, waxaana xilka laga qaaday Taliye Nageeye. Taliye Taajudiin ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 20-aad, isagoo beddelay Taliye Maxamed Sheikh. Sidoo kale, magacaabisyo dheeraad ah…

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharax Madaxweyne, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta Shirkii Villa Somalia ka jeediyay khudbad uu si toos ah ugu hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka doorashooyinka la filayo. Xildhibaanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre la joogo waqtigii uu qaadan lahaa doorkiisa hoggaamineed si uu dalka uga badbaadiyo jahawareer siyaasadeed iyo hubanti la’aanta ku hareeraysan geeddi-socodka doorashooyinka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda ugu weyn ee RW Xamse ay tahay inuu mideeyo saamileyda siyaasadda, isla markaana horseedo wadahadal lagu gaaro hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay lana fulin karo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in…

Read More

Shir u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, kadib markii la isku mari waayay ajandaha ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka. Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayay arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo muddooyinkii dambe si weyn u taagnaa. Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegay in dooddu ay xoogga saartay sida loo wajahayo jadwalka doorashooyinka iyo shuruudaha hordhaca u ah qabashadooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku adkeystay in aan laga hadli karin doorashooyinka heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada ilaa marka…

Read More