Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 21-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde. Ajendaha maanta ee kulanka wadajirka ah waxa uu ahaa sii amba qaadida dooda ku saabsan cutubka 9-aad ee dastuurka Kmg ah, waxaana xildhibaanada labada Aqal ay dood xasaasi ah ka yeesheen qodobada cutubka sagaalaad ee dastuuka. Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare…
Laamaha amniga ee degmada Cabdicasiis ayaa maanta xiray Abwaan Xuseen Xasan Faras, oo kamid ah dadka degan xaafadda Buulo-Maaxaay, kadib bannaanbax saakay ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Abwaanka oo Caan ku ah Shiribka uu hoggaaminayey bannaanbax looga soo horjeeday dowladda federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la sheegay inuu salka ku hayey cabashooyin la xiriira burburinta guryo xaafadda Buulo-Maaxaay ee degmada Kaaraan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in guryahooda si qasab ah loo dumiyey, taasoo sababtay barakac soo wajahay qoysas badan. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in…
Shirkii labaad ee u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ayaa maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia. Kulanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa diiradda lagu saaraya arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah, amniga guud ee dalka, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in qodobada ugu waaweyn ee laga doodayo ay ka mid yihiin: Hannaanka…
Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool caasimadda ayaa maanta bannaanbax ka dhigay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, kaas oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo muujinaya cabasho ay ka qabaan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud. Dadka bannaanbaxayay ayaa sheegay in ay ka cabanayaan dhul boob lagu hayo guryo ay ka degan yihiin degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa. Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada dowladda ay shalay rasaas u adeegsadeen dad bannaanbaxayay, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in goobta bannaanbaxa ay tageen ciidamo Boolis ah, kuwaas oo la sheegay in ay rasaas…
Wasiir ka tirsan Somaliland ayaa u sheegay wakaaladda Wararka AFP in maamulka gobolkan uu diyaar u yahay in uu Maraykanka siiyo fursad gaar ah oo uu kaga faa’iideysto khayraadka macdanta, isla markaana uu u ogolaado in laga dhiso saldhigyo militari gudaha Somaliland. Wasiirka madaxtooyada, Khadar Hussein Abdi, ayaa sheegay: “Waxaan diyaar u nahay in aan si gaar ah u siino Maraykanka macdanteena. Sidoo kale, waxaan u furnahay in aan u soo bandhigno saldhigyo militari.” Wasiirku wuxuu intaa ku daray in maamulka Somaliland uu rajeynayo in laga gaari doono heshiis Maraykanka la leh, isagoo tilmaamay in xiriirka caalamiga ah uu muhiim…
Waxaa sii xoogeystay khilaaf u dhaxeeya maamulka iyo laamaha amniga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay iyo Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xilli xiisad amni laga dareemayo gudaha iyo duleedka degmada. Wararka laga helayo degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in heegan buuxa la geliyay ciidamada ammaanka, kuwaas oo si gaar ah loo dhigay daafaha magaalada. Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo wata hub culus, isla markaana sameystay difaacyo ka baxsan xarunta magaalada, si ay uga hortagaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinacyo kale. Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran, iyadoo wararku tilmaamayaan in laga cabsi qabo in ay…
Mid kamid ah dhalinyaradii ka qeyb qaadanayay bannaanbax looga soo horjeeday dhul boob ka socday xaafadda Alcadaala ee degmada Hiliwaa ayaa ku geeriyooday mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Alle ha u naxariistee, wiilka geeriyooday oo magaciisa lagu soo koobay Xasan ayaa la sheegay in uu kamid ahaa dhalinyaradii bannaanbaxa dhigayay, kuwaas oo ka soo horjeeday burburinta guryaha ay deganaayeen. Xasan ayaa la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray iska horimaadyo ka dhacay halkaas, kahor inta aan loola cararin isbitaal ku yaalla Muqdisho, halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday. Rabshadahan ayaa…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Ahmed Abdi Kariye Qoorqoor, ayaa xalay shir muddo qaatay la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Ali Eid, Senator Dhagdheer iyo Xildhibaan Ugaas Dhagay Gelle. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo sida ay maamulka hadda jira ugu diyaargaroobayaan doorashada la filayo inay qabsoonto bilaha soo socda. Diyaargarowga Doorashada iyo Tartanka Adag Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in kulanka si gaar ah loogu falanqeeyay istiraatiijiyadda ay kooxda talada haysa oo loo yaqaan “Team Waayo-Arag” – u wajahayo qorshaha dib-u-soo laabashada madaxda hadda xilka haysa. Tartanka doorashada…
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 163-aad iyo cutubyo ka tirsan Qaybta 27-aad, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo dhammaantood hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaannada kala ah: Isgoyska Cusmaan Indhoole, Ganarubad, Inabaale, Cadiimo Xasan Raqay iyo Qoryo-qaad, halkaas oo Alshabaab ay ku lahaayeen fariisimo ay ku dhibaateyn jireen shacabka deegaanka. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta goobahaasi, isla markaana ay xaqiijiyeen amniga guud ee deegaannada la xoreeyay. Intaas kaddib, ciidamada ayaa…
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqbashay soo jeedintii ka timid Golaha Mustaqbalka, iyadoo ogolaatay in shirkii wadahadalka ee labada dhinac uu maanta dib uga furmo xarunta Madaxtooyada. Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay ayay hakad ku jireen wada-hadallada kadib shuruudo adag oo ka yimid labada dhinac, balse xal laga gaaray. Kulanka maanta furmaya ayaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa qodobbada muhiimka ah ee khuseeya masiirka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan: Hannaanka iyo hufnaanta Doorashada soo socota Doodaha la xiriira dib-u-eegista iyo dhammeystirka Dastuurka Siyaasadda guud iyo jihada hoggaaminta qaranka Madaxtooyada ayaa sheegtay in shirkan uu…