Author: Banaadir24 Editor

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka inay fashiliyeen wada-hadalladii ka socday Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya), isla markaana ay ka soo horjeesteen in laga gaaro heshiis ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo dhammaystirka hannaanka federaalka. Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu sheegay in dowladda ay weli ka go’an tahay in la sii wado dadaallada wada-hadalka, si loo gaaro heshiis waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu xusay in Dowladda Federaalka ay martigelisay gogol wadatashi ah oo ay ka qeybgaleen wakiillo ka socday siyaasiyiinta…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si kulul uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay in aan la aqbali doonin “afduub siyaasadeed” oo lagu hayo dalka iyo hannaanka doorashooyinka. Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, Wasiir Fiqi ayaa ku bilaabay: “Roori doone hortiis lama rooroi!” isaga oo ku eedeeyay siyaasiyiin mucaarad ah in ay si ula kac ah u carqaladeeyeen wadahadallo lagu doonayay in xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka. Wasiirka ayaa sheegay in kulammo kala duwan ay qabteen mucaaradka, kuwaas oo ay ku jireen shirar ka dhacay Kismaayo, hoteellada ku…

Read More

Maamulka iyo saraakiisha ciidanka ee degmada Buur Hakaba ayaa kulan la qaatay taliska ciidanka Midowga Afrika (AUSSOM) ee fariisinka ku leh degmada, iyagoo kala hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadda kala dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed Eee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dejinta xaaladda amni iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada-hadal oo miro-dhal ah, si loo yareeyo khilaafka taagan. Ilo wareedyo ku dhow dhinacyada wada-hadallada ayaa sheegaya in la isku dayay in la isu soo dhoweeyo aragtiyada kala fog, hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ay si wadajir…

Read More

Ciidan katirsan Nabad Sugida oo qoryo iyo Bistoolado ku hubeysan watayna tuutaha NISA iyo Gaari Cabdi Bile ah ayaa xalay wariye Cabdi Xaafid oo katirsan Tv-ga Somali Cable ka afduubtay nawaaxiga Saldhigga booliska degmada Waaberi, isagoo fadhiyay maqaayad uu ka suxuuranayay. Wariye Xaafid oo kamid ah suxfiyiinta ugu fir-fircoon ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay wajahay hanjabaado shaqadiisa la xiriirta, taasoo uu dhegaha ka fureystay. Tillaabadan waxey qeyb ka tahay caburinta lagu hayo suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Read More

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulan muhiim ah oo u dhaxeeya xubnaha Golaha Mustaqbalka oo uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xildhibaannada labada Aqal ee mucaaradka. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo wadahadalladii burburay ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo xubnuhu ay ka wada hadleen dariiqooyinka lagu xoojin karo wadahadallada siyaasadeed iyo sidii loo gaari lahaa xal waara oo ka dhasha khilaafaadka jira. Waxaa sidoo kale looga hadlay qorshayaasha soo socda ee Golaha Mustaqbalka iyo tallaabooyinka la qaadi karo si loo hubiyo in geeddi-socodka siyaasadeed uu si hufan u socdo, loona…

Read More

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Maraykanka siiso saldhigyo ciidan isla markaana u ogolaato ka faa’iidaysiga macdanaha qaaliga ah ee dalka ku jira, sida uu sheegay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad. Wasiirka ayaa arrintan ku sheegay waraysi uu siiyey wakaaladda wararka dhaqaalaha ee Bloomberg, isagoo xusay in Soomaaliya hore heshiisyo difaac ula gashay Maraykanka, gaar ahaan sannadkii 1980-kii xilligii xukuumaddii Kacaanka, markaas oo Washington loo ogolaaday inay la wareegto saldhig milatari iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera. Cali Balcad ayaa tilmaamay in xukuumadda hadda jirta ay doonayso in Maraykanku mar kale ku soo laabto magaalada…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay si rasmi ah u burbureen wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka. Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka ayaa lagu shaaciyay in ay burbureen wada-hadalladii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo burburka ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh. Ilo wareedyo ku dhow wada-hadallada ayaa xaqiijiyay in kulamadii u dambeeyay ay ku dhammaadeen is-afgarad la’aan, iyadoo qodobbo muhiim ah la isku mari waayay gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Dhinaca Dowladda Federaalka weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku…

Read More

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in uu fashilmay Shirarkii ay kula jireen Villa Somalia oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday. Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in Villa Somalia ay fashilisay wada-hadallada, isla markaana dowladda weli ku howlan tahay waxka bedelka Dastuurka, sidoo kalena diiday doorashooyinka dowlad Goboleedyada. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Read More

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku boorrisay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay sii wadaan dadaallada wada-hadalka iyo is-afgaradka, iyadoo ku tilmaantay in inkastoo ay adag yihiin, haddana ay yihiin kuwo lama huraan u ah horumarka dalka. Qoraal ay safaaraddu ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan uu door muhiim ah ka qaadanayo la-dagaallanka argagixisada, xoojinta dowladnimada, iyo horumarinta danaha mudnaanta u leh Soomaaliya iyo beesha caalamka. Safaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in wada-hadal iyo tanaasul ay yihiin tiirarka lagu dhisi karo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo sare u qaadi kara xasilloonida iyo wada…

Read More

Xoogagga mucaaradka ee ku mideysan Gollaha Mustaqbalka ayaa si rasmi ah u diiday dalab ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib kulan ay la yeesheen Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo wakiil ka ahaa Madaxweynaha. Kulanka oo goor dhow ku soo idlaaday Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay is-mari-waaga siyaasadeed ee taagan iyo suurtagalnimada in dib loo furo wada-hadal u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Sida ilo ku dhow dhow kulanka ay xaqiijiyeen, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka codsaday mucaaradka in ay dowladda siiyaan laba maalmood oo wada-tashi ah, si dib loogu qiimeeyo halka uu ka sii socon karo…

Read More