Author: Banaadir24 Editor

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbad uu ka jeedinaya xarunta capitol hill ee ah aqalka Congress ka ee dalka Maraykanka waxa uu weerar afka ah ku qaaday Soomaalida. Isagoo ka hadlayay waxa uu ku tilmaamay musuqmaasuqa ka dhacaya Mareykanka, madaxweyne Trump wuxuu ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenkiisa, JD Vance, uu hoggaamin doono dagaal ka dhan ah wax isdaba marinta. Waxa uu sheegay in aysan jirin tusaale ka yaab badan Minnesota, gobolka ay dagan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mraykanka, halkaas oo uu amray in lagu bilaabo la dagaalanka soogalootiga iyo dembiyada kale. Hadallo deelqaaf ah, ayuu Mr…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarissa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya saacadihii la soo dhaafay, xilli ay ka baxeen xerada ay ku leeyihiin deegaanka Dhaashooy ee hoostaga degmada Faafi. Sida ay wararku tilmaamayaan, kolonyada ayaa u dhaqaaqday deegaanka Harboole oo isna hoostaga isla degmada Faafi, halkaas oo ay biyo ka doonayeen. Intii ay howshaasi socotay ayaa la sheegay in qarax lala beegsaday gaari booyad ah oo ay ciidamadu adeegsanayeen. Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaariga booyadda, islamarkaana uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed. Wararka…

Read More

Qaar ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada ka soo jeeda beelaha Daarood ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka Gedo, oo ka mid ah gobollada aan lagu darin qorshaha doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee dhawaan la shaaciyay. Xildhibaannada iyo wasiirrada ayaa cabasho xooggan ka muujiyay sababta gobolka Gedo looga reebay liiska degmooyinka ay ka dhici doonaan doorashooyinka Golaha Deegaanka. Waxay tilmaameen in arrintani ay abuurtay walaac siyaasadeed iyo dareen takoor, iyagoo dalbaday…

Read More

Waxaa Magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Febraayo martigelinaysa kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayo soo bandhigista cutubyadii ugu dambeeyay ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah. Kulankan ayaa imanaya kaddib shir saacado badan qaatay oo shalay ka dhacay Muqdisho, islamarkaana ay yeesheen Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka. Shirkaas ayaa lagu lafa-guray qodobbada harsanaa, iyadoo ugu dambeyn la isku afgartay in la dhammeystiro cutubyadii u dambeeyay si loogu gudbiyo Baarlamaanka. Cutubyada maanta lagu soo bandhigayo fadhiga wadajirka ah ayaa kala ah:…

Read More

Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 163aad, Guutada 16aad, ayaa maanta fuliyey howlgallo qorsheysan, kuwaas oo ka dhacay deegaanno hoos taga degmada Maxaas. Howlgalladan oo uu si toos ah u hoggaaminayey Taliyaha Ururka 163aad, G/le Maxamed Bashiir Sheekh Cali (Shiine) ayaa laga fuliyey deegaannada kala ah, Dudun Cad, Dhaaye Dhabe, Ceelgod, Ceeljiqow, Bilcile, Waradhuumaleh iyo Lixley. Ujeeddada howlgalladan ayaa ahayd xaqiijinta amniga, baarista fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleysan karaan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ka hortagga falal amni darro oo ay maleegayeen inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa intii ay howlgalladu socdeen sameeyey baaritaanno dhameystiran,…

Read More

Wararka laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay maanta ku yeelanayaan kulankoodii ugu dambeeyay ee wadatashiga ah Hotelka Airport, ka hor inta aysan ka kala dhoofin caasimadda. Kulankan oo loo qorsheeyay 11:00 subaxnimo, ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, isbeddellada jira iyo jihada xigta ee uu qaadi doono Goluhu. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in kulanku uu noqon doono mid lagu lafa-guro arrimo xasaasi ah oo quseeya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo wada-shaqeynta xubnaha Golaha. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa ka maqnaan doona kulankan, kaddib markii…

Read More

Urur-Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan wadahadal daacad ah oo lagu xallinayo arrimaha taagan. IGAD waxay muujisay inay si dhow ula socoto geeddi-socodka wada-xaajoodka, isla markaana ay dhiirrigelinayso in xal waara lagu gaaro is-afgarad iyo wadatashi ku dhisan kalsooni iyo midnimo qaran. Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa qiray dadaallada ay sameeyeen dhinacyadu, wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada-hadalka si loo gaaro heshiis ay Soomaalidu hoggaaminayso, islamarkaana aanay jirin cid dibadda ka dhex faragelisa. IGAD waxay xustay doorkeeda taariikhiga…

Read More

Dable Xoogga Nuur Cabdi Geeddi Nuur (Gaay Gaay) ayaa Lagu soo eedeeyay In uu Nafta Dhaafiyay Askari Saf Tirsiga Ciidmada ay ka wadaageen Ilaa Unugta, Waana Marxuum Ex Dable Xasan Yaasiin Cabdullaahi oo u Geeriyooday Xabad Ak 47 Dhagta kaga Dhacday Kow iyo labaatankii bishii December ee sanadkii tagay 2025. Sababta Dilka keentay ayaa ahayd Muran ka dhashay kaftan dhaxmaray eedeysaha iyo marxuumka la dilay. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga ogolaaday oo la Dhageystay Labo iyo Tobankii Bishaan February. Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda, ayaa Maanta…

Read More

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay si rasmi ah uga shaqeynayso dadaallo dhexdhexaadin ah oo lagu xallinayo qodobada wali ay isku hayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. UK ayaa carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu muujiyaan tanaasul iyo dabacsanaan si loo gaaro heshiis waara. War ka soo baxay UK ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula shaqeynayso wakiilada caalamiga ah si loo dardargeliyo wada-hadallada, islamarkaana loo abuuro jawi kalsooni ku dhisan oo dhinacyadu si furan ugu wada xaajoon karaan arrimaha taagan. Sida muuqata, wakiilada beesha caalamka ayaa bilaabay dadaallo xooggan oo la xiriira isu soo dhaweynta dhinacyada Soomaalida, iyagoo qorsheynaya…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska. Intii kulanku socday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Marwo Sophie ayaa ka wada halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada. Madaxweyanaha Jamhuuriyadda ayaa Marwo Sophie ku bogaadiyay dadaalkeeda ku aaddan u qareemidda arrimaha haweenka iyo carruurta, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gooni ah siinayso xoojinta iskaashiga labada dal ee arrimahaas ku qotoma. Dhankeeda, Marwo Sophie ayaa Madaxweynaha…

Read More