LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo ciidamo Kenyan ah ku laayay Xadka Soonaaliya iyo Kenya

Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa lagu dilay weerar loo aaneynayo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee gobolka Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixin booliiska Kenya soo saaray, ciidamo ka tirsan Special Operations Group (SOG) ayaa la kulmay dagaalyahanno looga shakisan yahay Al-Shabaab xilli ay howlgal ka wadeen deegaanka, waxaana halkaas ka dhacay iska horimaad hubeysan oo sababay dhimashada shanta askari. 

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay inay bilaabeen howlgal lagu baacsanayo kooxdii weerarka fulisay, iyadoo aan weli Al-Shabaab si rasmi ah uga hadlin weerarka.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli jiraan walaacyo la xiriira amniga deegaannada ku teedsan xadka Kenya iyo Soomaaliya, halkaas oo Al-Shabaab ay marar badan ka geysteen weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka. 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *