Muqdisho (Banaadir24) — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo xiray Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), kaddib muddadii uu dalka ka waday howlaha taageerada siyaasadeed iyo dowlad-dhiska.
Xafiiska UNTMIS ayaa door ka qaatay taageeridda geeddi-socodka siyaasadeed, nabad-dhisidda, horumarinta hay’adaha dowladda iyo xoojinta awoodda dowladnimo ee Soomaaliya.
Xiritaanka xafiiskan ayaa muujinaya isbeddel ku yimid qaabkii wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo la soo afjaray howlihii xafiiska ee la xiriiray taageerada siyaasadeed iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.
Munaasabadda ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada ku lugta lahaa howlaha Qaramada Midoobay ee dalka.






