Baydhabo (Banaadir24) — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in degmada Waajid ee gobolka Bakool ay halis ugu jirto in ay la wareegaan ciidamada Darawiishta Koonfur Galbeed ee taageersan hoggaamiyaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kadib dib-u-dhac milatari oo la sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya uu kasoo gaaray dagaalladii ka dhacay agagaarka Leego.
Xaaladdan ayaa kusoo aadaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamada dowladda federaalka ay khasaare culus kala kulmeen dagaalladii ugu dambeeyay, kuwaas oo saameyn ku yeeshay xaaladda amni ee deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose iyo nawaaxiga gobolka Bakool.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in isbeddelka xaaladda milatari uu abuuri karo fursad ay ciidamada Darawiishta ee taabacsan maamulka Koonfur Galbeed ugu dhaqaaqaan degmada Waajid, inkastoo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin in ciidamadaasi ay bilaabeen howlgal ay kula wareegayaan degmada.
Waajid ayaa ka tirsan gobolka Bakool, waxaana xaaladda cusub ay sare u qaadaysaa walaaca laga qabo jihada ay xaaladda amni ee deegaannadaasi u socoto.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in Waajid ay qarka u saaran tahay inay gacanta u gasho ciidamada Darawiishta ee Laftagareen taageersan, waxaana loo baahan yahay xog dheeraad ah oo lagu xaqiijiyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo xaaladda dhabta ah ee degmada.
