Muqdisho (Banaadir24) — Warbaahinta Al-Kataa’ib ee Al-Shabaab ayaa baahisay sawirro hordhac ah oo ay ku sheegtay inay muujinayaan khasaaraha ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo gaaray weerarkii shalay galab ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay in weerarka lagu dilay 321 askari oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen. Kooxdu waxay sidoo kale sheegatay inay jiraan askar nool lagu qabtay, iyadoo tilmaantay in tirakoobka khasaaruhu weli socdo, islamarkaana tirada ay shaacisay ay tahay mid hordhac ah.
Warbaahinta Al-Kataa’ib ayaa intaas ku dartay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaadiid badan oo ay wateen kolonyada ciidamada dowladda, oo ay ku jiraan gaadiid gaashaaman, tikniko iyo gawaari xamuul ah oo siday sahay ciidan.
Sidoo kale, bayaanka kooxda ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qabsaday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan, iyadoo Al-Shabaab ay sheegatay inay hadda gacanta ku hayso goobihii lagu dagaallamay.
Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaar ka mid ah ciidamadii dowladda ay goobta dagaalka uga baxeen jihooyin kala duwan, halka askar kale ay u carareen saldhigga Ballidoogle, oo ay sheegtay inuu ahaa halka ay kasoo dhaqaaqeen qaybo ka mid ah kolonyadii la weeraray.
Warbaahinta Al-Kataa’ib ayaa sheegtay in sawirrada ay baahisay ay yihiin qayb ka mid ah waxyaabaha laga hayo dagaalka, iyadoo tilmaantay inay jiraan sawirro kale oo dheeraad ah.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinka ku saabsan tirada dhimashada, dhaawacyada, maxaabiista iyo gaadiidka la qabtay weli waxay u baahan yihiin xaqiijin madax-bannaan. Ilaa hadda, ma jiraan tirooyin si madax-bannaan loo xaqiijiyey oo lagu go’aamin karo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka Jameeco.




















