Baydhabo (Banaadir24) — Sawirrada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa laga dejiyay, lana jeexjeexay magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa milatari ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.
Dhacdadan ayaa timid kadib markii ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee daacadda u ah madaxweynihii hore ee maamulka, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay la wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Diinsoor, taas oo muujinaysa isbeddelka ku yimid xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee gobolka Baay.
Burburinta sawirrada labada mas’uul ee ugu sarreeya dowladda Federaalka ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo maamulka Laftagareen, iyadoo loollanka ku saabsan gacan-ku-haynta dhulka iyo maamulidda deegaannada Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub.
Dhacdadan ayaa sidoo kale muujinaysa sida xiisadaha siyaasadeed ay uga muuqanayaan deegaannada ay isku hayaan dhinacyada iska soo horjeeda.
Xaaladda magaalada Diinsoor iyo guud ahaan gobolka Baay ayaa weli ah mid si dhow isha loogu hayo, iyadoo ciidamada Laftagareen ay wali wadaan dhaqdhaqaaqyo milatari gaar ahaan duleedka magaalaada Baydbabo.
