Muqdisho (Banaadir24) — Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalooyinka ay qabsadeen xoogagga Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa magangelyo siiyay mas’uuliyiintii degmooyinkaasi iyo ciidamadii maamulka ee halkaas ku sugnaa, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo xaaladda gobolka Bay.
Magaalada Diinsoor oo ka mid ah deegaannada uu dagaalku saameeyay, guddoomiyihii degmada iyo saraakiishii ciidanka ee maamulka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa la sheegay inay galeen xerada ciidamada Itoobiya si ay uga badbaadaan xoogagga magaalada qabsaday ee Laftagareen.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in milateriga Itoobiya ay diideen inay qayb ka noqdaan dagaallada haatan ka socda deegaannada gobolka Bay ee u dhexeeya maamulka Aadan Madoobe iyo dowladda federaalka oo isku dhinac ah iyo ciidamada maamulka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Gobolka Bay oo ka kooban shan degmo ayaa wajahaya isbeddel dhinaca gacan-ku-haynta ah, iyadoo xogaha la helayo ay tilmaamayaan in Baydhabo ay tahay magaalada keliya ee weli gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen.
Xaaladda gobolka ayaa sii cakirmaysa, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee dhinacyada isku haya awoodda Koonfur Galbeed iyo mowqifka ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaannadaasi.
