Baydhabo (Banaadir24) — Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo guluf culus oo ka dhan ah ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kuwaas oo la wareegay degmooyin ka tirsan gobolka Baay.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay shacabka maqli doonaan war farxad leh, isaga oo ballanqaaday in dowladda maamulku ay dib ula wareegi doonto degmooyinka ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada ka soo horjeeda.
“Maalmaha soo socda shacabka reer Koonfur Galbeed waxay dhagahooda maqli doonaan wax ay aad ugu farxaan, waxaana la soo celin doonaa neecaawdii dowladnimada. Degmooyinka ay hadda ku sugan yihiin Khawaarijta waxaa dib loogu soo celin doonaa gacanta dowladda,” ayuu yiri wasiirku.
Degmooyinka Qansaxdheere, Bardaale, Buurhakaba iyo Diinsoor ayaa ka mid ah goobaha uu wasiirku ka hadlay, kuwaas oo xaaladdooda ay xiisad siyaasadeed iyo mid ciidan ka taagan tahay.
Hadalkan ayaa imanaya xilli loollanka u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo dhinacyada ka soo horjeeda uu sii xoogeysanayo, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee maamulka iyo suurtagalnimada guluf ciidan oo lagu doonayo in dib loogu qabsado degmooyinkaas.
