LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mareykanka oo Xasan Sheekh u Gudbiyay Saddex Digniin oo Culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa wada hadalladii shalay ka dhacay gudaha xerada Xalane ee Muqdisho, kuwaas oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, diblomaasiyiin Mareykan ah iyo saraakiil ka socday AFRICOM oo booqasho ku joogay dalka.

Sida ay ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen, kulanka ayaa diiradda lagu saaray saddex qodob oo waaweyn oo la xiriira amniga, siyaasadda iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Qodobka koowaad, saraakiisha Mareykanka ayaa muujiyay in Washington ay dib u eegis ku sameyneyso qaabka ay u wajahdo arrimaha amniga Soomaaliya, iyagoo sheegay in mudnaanta la siin doono aagagga muhiimka u ah danaha istaraatiijiyadeed ee Mareykanka, isla markaana la taageeri doono dhinacyada muujiya horumar iyo waxqabad.

Saraakiisha milateriga Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamay inay diyaar u yihiin inay taageeraan howlgalka loo bixiyay “Jubba Corridor”, kaas oo laga qorsheynayo deegaanada Jubbooyinka, lagana bilaabayo dhanka Afmadow, iyadoo ay hormuud u yihiin ciidamada Jubbaland, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo ka socda dalal deris ah.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulanka ku caddeeyay inuusan aqbali doonin howlgal ka yimaada dhinaca Jubbaland ama ay qeyb ka noqdaan ciidamo deris ah, isagoo ku adkeystay in arrimaha amniga lagu maamulo dowladda federaalka.

Qodobka labaad, wafdiga Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in si degdeg ah loo gaaro heshiis siyaasadeed oo ay wada gaaraan dhinacyada Soomaalida, iyagoo tilmaamay in sida Washington ula macaamili doonto xaaladda Soomaaliya ay si weyn ugu xirnaan doonto horumarka laga sameeyo wada-hadallada siyaasadeed.

Qodobka saddexaad, saraakiisha Mareykanka ayaa la sheegay inay muujiyeen walaac ku saabsan adeegsiga ciidamada ee khilaafaadka siyaasadeed, faragelinta lagu hayo dowlad-goboleedyada iyo habka hubka loo maareeyo, iyagoo si gaar ah u soo hadal qaaday xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Wararka kasoo baxaya kulankan ayaa muujinaya in Mareykanku doonayo isbeddel ku yimaada qaabka loo wajahayo amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, iyadoo lagu cadaadinayo in xal siyaasadeed laga hormariyo khilaafaadka jira.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *