Beijing (Banaadir24) — Dowladda Shiinaha iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa mar kale si cad u xaqiijiyay taageeradooda madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay tallaabo kasta oo Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax-bannaan.
Mowqifkan ayaa lagu caddeeyay bayaan wadajir ah oo labada dal soo saareen kaddib wada-hadallo toddobaadkan ka dhacay magaalada Beijing, kuwaas oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, iyo dhiggiisa Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay si adag u taageerayaan dadaallada Soomaaliya ay ku ilaalinayso madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, iyagoo diiddan isku-day kasta oo lagu doonayo in Somaliland lagu helo aqoonsi diblomaasiyadeed.
Shiinaha iyo Jabuuti ayaa sidoo kale ku celiyay in Somaliland ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeedaan in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.
Labada dhinac ayaa intaa dheer muujiyay diidmadooda ku aaddan iskaashi kasta oo dhex mara Somaliland iyo maamulka Taiwan, arrin la xiriirta khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo Taiwan.
Mowqifkan ayaa imanaya xilli arrinta Somaliland ay weli tahay mid xasaasi ah oo saamayn ku leh siyaasadda Geeska Afrika. Soomaaliya waxay Somaliland u aragtaa qayb ka mid ah dhulkeeda, halka maamulka Somaliland uu tan iyo 1991-kii ku dhawaaqay madax-bannaani, balse uusan helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku adkaysatay in heshiisyo toos ah oo lala galo maamulka Somaliland, iyadoo aan dowladda dhexe lala tashan, ay dhaawici karaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Bayaanka Shiinaha iyo Jabuuti ayaa muujinaya in labada dal ay weli taageersan yihiin midnimada Soomaaliya, iyadoo arrinta Somaliland ay sii ahaanayso mid muhiim u ah xiriirka diblomaasiyadeed iyo xasilloonida gobolka.
