Muqdisho (Banaadir24) — Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay muhiimadda midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo wadajirka bulshada, isaga oo farriin u jeediyay dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Soomaaliland.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu soo dhoweynayay waxgarad ka soo jeeda Soomaaliland oo ka qeyb qaatay dhismaha guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Galmudug.
Fiqi ayaa xusay in dhibaatadii ay dowladdii milatariga dalka ka geysatay ay saamaysay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana tacaddiyadii dhacay ay yihiin kuwo aan si fudud loo hilmaami karin.
“Dhibaatadii ay dowladdii milatarigu dalka oo dhan ka geysatay waxay ahayd mid aan la iloobi karin,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waxa uu intaas ku daray in haddii ay jiraan waxyaabo ka qaldamay heshiiskii midowga Soomaaliya ee 1960-kii, loo baahan yahay in si wadajir ah looga wada hadlo, si xal loogu helo tabashooyinka jira loona xoojiyo midnimada dadka iyo dalka.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan tahay doodda ku saabsan midnimada Soomaaliya iyo tabashooyinka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliland, iyadoo wada-hadalka iyo is-afgaradka loo arko arrimo muhiim u ah wax ka qabashada khilaafaadka.
