Xuddur (Banaadir24) — Gobolka Bakool ayaa isu diyaarinaya howlgalka loogu magac daray Onkod, kaas oo la sheegay in lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab. Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhoollatus ciidan ku soo bandhigtay awoodda iyo diyaar-garowga ciidanka ee gobolka.
Dhoollatuska waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Bakool, maamulka degmada Xuddur iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.
Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha goobta ka hadlay ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga gobolka, iyagoo sheegay in ciidamadu diyaar u yihiin inay ka hortagaan weerarrada Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad, Gaashaanle Isse Jeelle Isaaq, ayaa ciidanka kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan, heegan buuxa iyo adkeysi, isla markaana ay si adag uga hortagaan khatar kasta oo amniga gobolka wax u dhimaysa.
Diyaargarowgan ayaa imanaya iyadoo gobolka Bakool uu isu diyaarinayo howlgalka Onkod, hase yeeshee faahfaahinta waqtiga uu howlgalka bilaabanayo iyo goobaha uu ka dhacayo weli laguma sheegin xogta la bixiyay.

