Muqdisho (Banaadir24) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta waajibaadka guddiga, gaar ahaan diyaarinta sharciyada, korjoogteynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee qaabilsan arrimaha gudaha, amniga iyo socdaalka.
Guddoomiye Jaamac ayaa guddiga ku boorriyey inay dedejiyaan dhammaystirka hindise-sharciyeedyada ay gacanta ku hayaan, si loo horgeeyo Golaha Shacabka, loogana sii ambaqaado hannaanka sharci-dejinta dalka.
Sidoo kale, wuxuu ku adkeeyey guddiga inay shaqadooda waafajiyaan nidaamka casriyeynta iyo horumarinta hawlaha Golaha Shacabka ee dhowaan la hirgeliyey, si kor loogu qaado hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo dowlad-wanaagga.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo shaqada guddiyada Golaha Shacabka iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.
