Leego (Banaadir24) — Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Khaalid, oo ku sugan deegaanka Leego, ayaa hadallo adag ka jeediyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidamadu aysan marnaba is dhiibi doonin, isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa laga gaarayo guul.
“Wallaahi, Billaahi, Tallaahi waan dhimanaynaa, waan dagaalamaynaa, waan guulaysanaynaa. Ciidanka Xoogga Dalka ma is dhiibi doonaan, koox kasta oo garab siisa Khawaarijta waan iska qabanaynaa,” ayuu yiri Gen. Khaalid.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay tegi doonaan goob kasta oo ay joogaan dagaalyahannada Al-Shabaab, si loo ilaaliyo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.
“Dagaalka waxaan u galnay inaan wax dilno ama nala dilo, waana guulaysan doonnaa, haddii Alle idmo,” ayuu hadalkiisa ku daray Gen. Khaalid.
Hadalka taliyaha ayaa muujinaya mowqifka adag ee hoggaanka ciidamada ee ku aaddan sii wadista howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli dagaallada ka socda deegaanno ka tirsan dalka ay weli socdaan.
