Kampala (Banaadir24) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay midoobaan si looga hortago kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in kala qaybsanaanta fikradeed iyo faham la’aanta caqabadaha dalka ay wiiqeen dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Isniintii, 26-kii Oktoobar 2026, magaalada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku tagay Uganda.
Labada madaxweyne ayaa kulankooda kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Museveni ayaa ku dooday in Soomaaliya ay u baahan tahay midnimo siyaasadeed iyo in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha amni ee dalka ka jira. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in kala qaybsanaantu ay fursad siin karto kooxo tiro yar inay saameyn ku yeeshaan mustaqbalka dalka.
“Dhibaatada Soomaaliya waa mid fikradeed iyo in si khaldan loo fahmay dhibaatooyinka,” ayuu yiri Museveni, isaga oo ka hadlayay caqabadaha hortaagan xasilloonida Soomaaliya.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Museveni uga warbixiyay xaaladda amni ee dalka iyo dadaallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Uganda doorka ay ciidamadeedu ka qaataan hawlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika, isaga oo muujiyay rajada ah in ciidamada Uganda ay sii joogaan Soomaaliya muddo dheeraad ah si loo xoojiyo amniga loona gaaro xasillooni waarta.
Ciidamada Uganda ayaa muddo dheer qayb ka ahaa hawlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyaga oo taageera ciidamada dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Uganda oo dooneysa inay si toos ah bunkeeda ugu iibiso Soomaaliya
Kulanka labada madaxweyne ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi, gaar ahaan sidii badeecooyinka Uganda ay si toos ah ku geli lahaayeen suuqa Soomaaliya.
Museveni ayaa soo dhoweeyay oggolaanshaha Soomaaliya ay siisay Uganda ee ku aaddan in dalka laga sameeyo bakhaar lagu suuqgeeyo laguna iibiyo bunka Uganda laga soo saaro ee la farsameeyay.
Qorshahan ayaa la filayaa inuu shirkadaha Uganda u fududeeyo inay si toos ah ula xiriiraan macaamiisha Soomaaliyeed, isla markaana uu yareeyo ku tiirsanaanta suuqyada iyo ganacsatada dhex-dhexaadka ah.
Nelson Tugume, oo dhowaan ka soo laabtay Soomaaliya, ayaa kulanka labada madaxweyne ku sheegay in Soomaaliya ay bun ka soo dejisato suuqyada Yurub, halka bunka Uganda uu mararka qaar soo maro suuqyo kale ka hor inta uusan gaarin macaamiisha Soomaaliyeed.
Bakhaarka la qorsheynayo ayaa sidaas darteed abuuri kara waddo ganacsi oo toos ah, taas oo fursado cusub u horseedi karta ganacsatada Uganda, isla markaana xoojin karta xiriirka dhaqaale ee Muqdisho iyo Kampala.
Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulanka ku sheegtay in ku dhowaad 8,000 oo Soomaali ah ay ganacsiyo ka wataan Uganda, halka qiyaastii 15,000 oo arday Soomaaliyeed ay wax ka bartaan jaamacadaha dalkaas.
Kulankan ayaa muujinaya dadaallada labada dowladood ay ku doonayaan inay iskaashiga amni ku barbar wadaan xiriir ganacsi iyo mid dhaqaale oo sii xoogeysanaya.
