Baydhabo (Banaadir24) — Dahir Ibraahim Maxamed oo ahaa madaxa kormeerka iyo dabagalka mashaariicda degmada Baydhabo ayaa la sheegay inuu ka goostay maamulka federaalku taageero oo uu ku biiray ciidamada Darawiishta Koonfur Galbeed ee daacadda u ah madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dahir Ibraahim Maxamed iyo koox hubeysan oo la socotay ay galinkii dambe ee Khamiistii ka baxeen magaalada Baydhabo, iyagoo gaaray fariisimaha ciidamada Darawiishta ee taabacsan Lafta-gareen, kuwaas oo ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Sarkaalka iyo ciidamada la socday ayaa horey u taageersanaa maamulka Koonfur Galbeed ee ay dowladda federaalku taageerto, waxaana tallaabadan ay ku soo aadeysaa xilli ay sii jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.
Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin dheeraad ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya tirada ciidamada la socotay sarkaalka iyo saameynta ay tallaabadani ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Baydhabo.
