Jowhar (Banaadir24) — Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa guddoomiye iyo ku-xigeennadiisa u doortay hoggaan cusub, iyadoo CabdiXakiin Luqmaan Xaaji Maxamed uu mar kale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle.
CabdiXakiin Luqmaan ayaa doorashada ku helay 77 cod, taasoo u xaqiijisay inuu sii hayo xilka guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Hirshabeelle.
Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdi Iidoow ayaa mar kale loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Hirshabeelle, isagoo helay 98 cod.
Sidoo kale, Jaamac Cali Maxamuud ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, kaddib markii uu helay 97 cod oo gacan-taag ah.
Doorashadan ayaa lagu soo xulay hoggaanka sare ee Golaha Wakiillada Hirshabeelle, iyadoo saddexda mas’uul ay sii hoggaamin doonaan howlaha baarlamaanka iyo gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah.
