Dowladda Federaalka oo wajahaysa imtixaankeedii ugu adkaa kadib hakinta taageerada Mareykanka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo dib loogu qaabeynayo howlgalka amniga dalka, kadib go’aanka Mareykanka ee lagu joojinayo taageeradii dhaqaale ee la xiriirtay amniga Soomaaliya.
Sida xogaha lagu helayo, Villa Somalia waxay doonaysaa inay ku qanciso dalalka gobolka ee ciidamadoodu ka howlgalaan Soomaaliya in la abuuro hannaan cusub oo iskaashi ah, kaas oo dalalka qaar ay si toos ah heshiisyo laba geesood ah ula galaan Dowladda Federaalka, si ciidamadoodu u sii joogaan dalka marka la gaaro bisha December ee sanadkan. Tallaabadan ayaa lagu doonayaa in laga hortago firaaq amni oo halis gelin karta xaaladda dalka.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay taageero dhaqaale u raadinayso qaar ka mid ah dalalka Carabta si loo maalgeliyo qorshahan cusub. Inkastoo kalsoonida dhinacyada qaarkood ay weli hooseyso, haddana wada-hadallo dhowaan dhacay ayaa la sheegay inay muujiyeen rajo laga qabo in heshiisyo la gaaro.
Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in ay jiraan walaacyo ku saabsan in qorshahan cusub uu ku dambayn karo caqabado la mid ah kuwii hore, xilli ay weli taagan yihiin doodaha la xiriira dhaqaalihii ay Imaaraadka Carabta hore ugu bixin jireen mushaharka ciidamada Soomaaliyeed.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Federaalka ay qorshahan la wadaagtay laba ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, iyadoo isla markaana ay dadaal xooggan ugu jirto inay la kulanto Madaxweynaha Uganda. Dowladda ayaa la sheegay inay Uganda ka codsanayso in ay u qoondeyso ku dhawaad 2,000 askari oo loo xil saaro sugidda amniga xerada Xalane iyo xarumaha muhiimka ah ee Dowladda Federaalka.
Haddii qorshahan hirgalo, wuxuu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada qaabka amniga Soomaaliya loo maamulo sanadaha soo socda, xilli dalka uu wajahayo marxalad xasaasi ah oo dhinaca amniga iyo maalgelinta howlgalada ah.









