Bosaso (Banaadir24) —Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay duqeyn diyaaradeed oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ka fulisay buuraha Cal Madow ee gobolka Sanaag, gaar ahaan marinka Galgala, 20-kii Oktoobar, sida ay werisay wakaaladda wararka AFP.
Warbixinta ayaa sheegtay in duqeyntan ay bartilmaameedsatay afar dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay waddada ku aasayeen qaraxyo miinooyin ah. Laba ka mid ah dagaalyahannada ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen duqeynta, halka ciidamada Puntland ay markii dambe weerareen goobta, iyagoo dilay laba dagaalyahan oo kale.
Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen AFP, diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadka ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Boosaaso, halkaas oo Imaaraadku ku leeyahay saldhig militari. Haddii xogtan la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa duqeyntii ugu horreysay ee la og yahay ee Imaaraadku ka fuliyo Soomaaliya muddo ku dhow hal sano.
Muran xooggan oo ka taagan saldhigga Boosaaso
Joogitaanka militari ee Imaaraadka ee magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe dhaliyay muran siyaasadeed iyo mid amni. Warbixin ay hore u baahisay Middle East Eye ayaa saldhigga ku xiriirisay fududeynta gaadiidka hubka ee la sheegay in loo gudbinayay xoogagga RSF ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Suudaan.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya Imaaraadka ku amartay inuu ka baxo Boosaaso, iyadoo warar hore ay tilmaameen in qalab militari laga daad-gureynayay saldhigga. Hase yeeshee, duqeynta la soo sheegay ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan heerka uu gaarsiisan yahay joogitaanka militari ee Abu Dhabi.
Mareykanka oo isna daneynaya Boosaaso
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Mareykanku uu saldhigga Boosaaso ka sameystay hawlgallo, isla markaana uu heshiis la galay maamulka Puntland si loo ballaariyo joogitaankiisa militari ee magaalada, oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu weli yahay mid xasaasi ah. Puntland ayaa sanadkii 2024 ka baxday nidaamka wada-shaqeynta federaalka, kaddib khilaaf ka dhashay wax-ka-beddellada dastuurka, waxaana sidoo kale jiray iska horimaadyo dhexmaray ciidamo kala taabacsan labada dhinac.
Ilaa hadda, faahfaahinta duqeynta iyo heerka uu weli u shaqeynayo saldhigga Imaaraadka ee Boosaaso waxay u baahan yihiin xaqiijin dheeraad ah oo ka timaadda dhinacyada ay khuseyso.
