Muqdisho (Banaadir24) — Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo habeenkii xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo la sheegay inuu khasaare dhimasho ah u geystay askar la socotay gaari Cabdi Bile ah.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu haleelay gaariga xilli uu marayay waddada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, qaraxa waxaa ku dhintay ugu yaraan sagaal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin tirada khasaaraha.
Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyada noocan oo kale ah ku bartilmaameedsata ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku socda waddooyinka ay ka dhacaan weerarrada noocan ah.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in dadka ku dhintay qaraxa uu ku jiro sarkaal ciidan oo la sheegay inuu isku hayey xilalka taliye urur iyo abaanduule.
Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin madax-bannaan oo dhammaystiran oo ku saabsan aqoonsiga sarkaalka, xaaladda dhaawacyada ama khasaaraha rasmiga ah ee qaraxa.
