Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    CabdiXakiin Luqmaan oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada…

    22 October 2026

    10 askari oo uu kamid yahay Taliye ciidanka oo ku dhintay qarax, maxaa laga ogyahay weerarka Shabeellaha Hoose?

    22 October 2026

    Janaraalkii gurigiisa lagu dhex dilay iyo maxkamadda ciidamada oo xukun adag riday

    22 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Janaraalkii gurigiisa lagu dhex dilay iyo maxkamadda ciidamada oo xukun adag riday
    LATEST NEWS

    Janaraalkii gurigiisa lagu dhex dilay iyo maxkamadda ciidamada oo xukun adag riday

    Banaadir24By Banaadir2422 October 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho (Banaadir24) — Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa loo soo Xiray Dilka Taliyihii hore ee hoggaanka isgaarsiinta iyo Tiknooljiyadda Booliska sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kaasi oo gurigiisa lagu dhex dilay labadii bishii Lixaad ee sanadkaan 2026.

    Eedeysanaha koowaad Jamaal Xasan Cabdulle, ayaa ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee Janaraalka, waana wiilkii uu barbaariyey ilaa uu damiin kaga noqday, kana diiwaan geliyey ciidanka booliska Soomaaliyeed, tababar kadib, ayuuna usoo beddelay hoggaanka isgaarsiinta Booliska oo markaasi Janaraalka uu ka ahaa Taliye hoggaan, labo boqol mushaarka ciidanka ah iyo shan boqol oo gunno ah, ayaana u dhici jirtay eedeysanaha ilaa geerida Taliyaha.

    Muran ku saabsan lunsashada qori AK47 ah oo uu ku qornaa marxuumka, Eedeysanahana uu gacanta ku hayey si ilaaliye ah, ayaa billowday, balse qorigii wuu iibsaday Jamaal, isaggoo lacagtii iibka saartay 1Xbet, taas ayaana keentay in Jamaal lagu war geliyo in uu kusoo laaban guriga isaggoo aan wadin qorigii dowladdu laheyd.

    Kowdii bishii Lixaad ee Sanadkaan 2026, Jamaal oo aan looga baran in uu kasoo dib dhaco guriga, ayaa xilli dambe soo gurya noqday, waxaana ugu dambeyn uu ku kacay inuu dilo Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kadib seddex baalooto AK47 ah oo uu kaga dhuftay dhabarka dambe iyo gacanta.

    Wax caawimaad ah uma fidin marxuumkii soo gacan qabtay, waxaana kasii darneyd inuu tir-tiray dhiigga & raadka cadeymaha, si loo marin habaabiyo baarista, shukumaan iyo garan uu lahaa marxuumka ayuuna u adeegsaday inuu ku masaxo, sidoo kale waxa uu tuuray fooqii rasaasta, waliba banaanka hore ee guriga sida laga arkay CCTV Camera ku xirneyd guriga marxuumka.

    Eedeysanaha Labaad Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” Engineer IT Qorbe joog ah isticmaalayna aqoonsiyo & darajo ciidan oo been abuur ah, ayaa isna ahaa saaxiibka Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed tan iyo 2019, iyaggoo Kuwada joogay saaxiibtinimo salka ku heysa cilmi & farsamo shaqo, xiriirkaas, ayaana gaaray inay wada degaan hal guri.

    Mustaf Kaamil ayaa, si gaar ah loogu eedeeyay gacansiin dembi, la shaqeynta eedeysanaha Koowaad Jamaal, Qarin faldembiyeed iyo caawin u fidin la’aan uu dilka kadib gudaha kusii jiray muddo 12 daqiiqo ah, sidoo kalana xaqiijiyey in banaanka uusan qof joogin, isaggoo saraakiishii timidna ku marin habaabiyay warbixin qaldan.

    Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo tobankii Bishaan October 2026.

    Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta oo ay taariikhdu tahay Labo iyo labaatanka Bisha October 2026 kiiskaan waxay kasoo saareen go’aan..

    1- Ex- Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle ayey maxkamadu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed.

    2- Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa isna lagu xukumay hal sano oo il ku-heyn amni ah.

    Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleSoomaaliya iyo Uganda oo heshiis shaqo kala saxiixday, maxaa ku cusub shaqaalaha Soomaaliyeed?
    Next Article 10 askari oo uu kamid yahay Taliye ciidanka oo ku dhintay qarax, maxaa laga ogyahay weerarka Shabeellaha Hoose?
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    CabdiXakiin Luqmaan oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada…

    22 October 2026

    10 askari oo uu kamid yahay Taliye ciidanka oo ku dhintay qarax, maxaa laga ogyahay weerarka Shabeellaha Hoose?

    22 October 2026

    Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis shaqo kala saxiixday, maxaa ku cusub shaqaalaha Soomaaliyeed?

    22 October 2026

    Muqdisho iyo 29 degmo oo kale oo wajahaya xaalad halis ah & Dowladda Soomaaliya oo digniin…

    22 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    CabdiXakiin Luqmaan oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada…

    By Banaadir2422 October 20260

    Jowhar (Banaadir24) — Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa guddoomiye iyo ku-xigeennadiisa u doortay hoggaan cusub,…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    10 askari oo uu kamid yahay Taliye ciidanka oo ku dhintay qarax, maxaa laga ogyahay weerarka Shabeellaha Hoose?

    22 October 2026

    Janaraalkii gurigiisa lagu dhex dilay iyo maxkamadda ciidamada oo xukun adag riday

    22 October 2026

    Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis shaqo kala saxiixday, maxaa ku cusub shaqaalaha Soomaaliyeed?

    22 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • CabdiXakiin Luqmaan oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada…
    • 10 askari oo uu kamid yahay Taliye ciidanka oo ku dhintay qarax, maxaa laga ogyahay weerarka Shabeellaha Hoose?
    • Janaraalkii gurigiisa lagu dhex dilay iyo maxkamadda ciidamada oo xukun adag riday
    • Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis shaqo kala saxiixday, maxaa ku cusub shaqaalaha Soomaaliyeed?
    • Muqdisho iyo 29 degmo oo kale oo wajahaya xaalad halis ah & Dowladda Soomaaliya oo digniin…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d