Muqdisho (Banaadir24) — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashada ee shalay ay ku dhawaaqday maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku tilmaamay hannaan aan ku dhisnayn heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Khayre ayaa sheegay in jadwalka doorashada oo aan lagu heshiin arrimaha siyaasadeed iyo mabaadi’da lagu maamulayo doorashada uu dhaawacayo dadaallada socda ee lagu doonayo in dalka looga saaro hubanti la’aanta siyaasadeed.
Wuxuu ka digay in tallaabadan ay horseedi karto khilaaf siyaasadeed iyo mid amni, isla markaana ay dalka gelin karto xaalad ay ka dhacaan hannaano doorasho oo is barbar socda, taas oo uu sheegay inay halis ku tahay midnimada qaranka, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dusha ka saaray mas’uuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha go’aankaas. Khayre ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu doonayo inuu xukunka sii joogo, inkasta oo uu sheegay in muddada xilkiisu dhammaatay.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay taagan yihiin dooddo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashada dalka, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo habka loo wajahayo marxaladda siyaasadeed ee soo socota.
