Baydhabo (Banaadir24) — Ciidamada Darawiishta Koonfur Galbeed ee daacadda u ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la sheegay inay si buuxda ula wareegeen degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaddib dagaallo culus oo ay la galeen ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Lawareegitaanka Buurhakaba ayaa noqonaya degmada labaad ee ay ciidamada Laftagareen gacanta ku dhigaan muddo ku dhow laba toddobaad, kaddib markii ay horay ula wareegeen degmada Qansaxdheere.
Dagaallada ayaa la sheegay inay u dhexeeyeen ciidamada Laftagareen iyo kuwa dowladda federaalka ee taageera Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo kan militari ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.
Buurhakaba ayaa ku taallo waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed, waana magaalo istaraatiiji ah oo muhiim ah.
Gacan ku haynta degmada ayaa saameyn ku yeelan karta dhaq-dhaqaaqa ciidamada, gaadiidka ganacsiga iyo isu socodka dadka isaga kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo.
Sidoo kale, isbeddel kasta oo ku yimaada gacan ku haynta Buurhakaba wuxuu saameyn ku yeelan karaa marinada saadka iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada ku sugan gobolka Baay.
Xiisadda Koonfur Galbeed oo sii xoogeysanaysa
La wareegitaanka la soo sheegay ee Buurhakaba, oo daba socda dhacdadii Qansaxdheere, ayaa muujinaya sida uu u sii xoogeysanayo loollanka u dhexeeya dhinacyada isku haya awoodda siyaasadeed iyo tan militari ee Koonfur Galbeed.
