Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo ka digay khilaafaadka ka dhex jira madaxda dowladda iyo hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada.
Farmaajo ayaa sheegay in si xoojinta dowladnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya loo ilaaliyo ay muhiim tahay in la helo hannaan siyaasadeed oo heshiis lagu yahay, kaas oo saldhig u noqon kara doorasho loo dhan yahay.
Madaxweynihii hore ayaa carrabka ku adkeeyay in hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn uu horseedi karo khilaaf siyaasadeed, isagoo ku baaqay in la helo waddo lagu xalliyo tabashooyinka jira, lana xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah.
Wuxuu sidoo kale xusay in dowladnimada iyo mustaqbalka dalka ay ku xiran yihiin wada-shaqeyn dhab ah oo dhex marta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo midnimada dalka, lana xoojiyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad.
Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ayaa ku boorriyay madaxda dalka inay mudnaanta siiyaan danta guud, kana fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta heshiiska siyaasadeed iyo xasilloonida Soomaaliya.

Banaadir24 Online
