JEDDAH (Banaadir24) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Sabtidii gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, halkaas oo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Cabdilcasiis ay ku soo dhaweeyeen Guddoomiyaha Gobolka Jeddah, Amiir Saud bin Cabdullaah bin Jalawi, iyo mas’uuliyiin kale oo Sacuudiyaan ah.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay labada dal doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Dowladda Sacuudiga ayaa mar kale adkaysay taageeradeeda madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wada shaqaynaya sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah iyo xaqiijinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta.
Warbixinta oo ay baahisay warbaahinta Arab News, kana soo xigatay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin ajandaha kulamada Ra’iisul Wasaaraha ama muddada uu qaadanayo safarkiisa.
Banaadir24 Online
