Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa kulan la-yeeshay Xoghayaha Dowladda, ahna Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Ruushka, Mudane Igor Zubov, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal, gaar ahaan tababarka iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha, iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira sugidda amniga.
Wasiirka ayaa si gaar ah u gala hadlay dhiggiisa Ruushka sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga ku saabsan tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo ciribtirka sababaha horseeda xagjirnimada, Sidoo kale labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa awoodda hay’adaha amniga, loona ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada baarista dambiyada, amniga internetka iyo la-dagaallanka khataraha amni ee soo kordhaya.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Ruushka, Mudane Igor Zubov, ayaa muujiyay diyaar u ahaanshaha dhinaca Ruushka ee la wadaagista Soomaaliya aqoonta, khibradaha iyo tababarrada la xiriira la-dagaallanka dambiyada iyo xoojinta amniga, Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, laguna dhisayo awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay si hufan uga hortagaan argagixisada, xagjirnimada iyo khataraha kale ee amniga dalka.
