Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay…

    1 November 2026

    Maxaa wiiqaya awoodda CXD? 8 arrimood oo muhiim u ah dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka

    1 November 2026

    Xasan Sheekh oo Uganda u sheegay inuu xilka ku waayi karo haddii ciidamada Uganda laga saaro Soomaaliya

    1 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay…
    LATEST NEWS

    Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay…

    Banaadir24By Banaadir241 November 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho (Banaadir24) — Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo ku sugneyd xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya, gaar ahaan meel u dhow degmada Bandarbayla ee gobolka Bari.

    Doonida oo lagu magacaabo Azini ayaa la afduubtay 29-kii October 2026, xilli ay ku sugneyd inta u dhexeysa magaalooyinka xeebaha ah ee Bandarbayla iyo Xaafuun, sida ay sheegeen warbixinnada la xiriira dhacdadan.

    Sida ay ku warrantay warbaahinta The New Arab oo soo xiganeysa wakaaladda wararka AFP, siddeed nin oo hubeysan ayaa markii hore gudaha u galay doonta, iyagoo awood kaga qabsaday laba ilaalo oo  Soomaali ah ee la socday. Afar nin oo kale ayaa markii dambe ku biiray kooxda, taasoo tirada burcad-badeedda ka dhigeysa 12.

    Waxaa la sheegay in doonta ay saarnaayeen 21 shaqaale oo u dhashay Iiraan iyo laba muwaadin Soomaali ah oo ahaa ilaalo. Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin xaaladda badqabka shaqaalaha doonta.

    Xarunta Badaha Hindiya ee Midowga Yurub (MSCIO) ayaa digniin ka soo saartay afduubka, iyadoo sheegtay in burcad-badeeddu ay doonta Azini u adeegsan karaan markab saldhig u noqda weerarro kale oo lagu qaado maraakiibta isaga kala goosha Badweynta Hindiya.

    Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in doontu ay u dhaqaaqeysay dhanka marin ay maraan maraakiibta ganacsiga, arrintaas oo sare u qaadday walaaca laga qabo amniga maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya.

    Hawlgalka ciidamada badda Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa baaraya dhacdadan, waxaana maraakiibta ka howlgasha aagga lagu boorriyey inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

    Afduubkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee lagu qaado doonyaha kalluumeysiga ee laga leeyahay Iiraan tan iyo bishii July, iyadoo ugu yaraan 15 weerar oo la xiriira burcad-badeednimo laga soo sheegay xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii April 2026, tiradii ugu badneyd tan iyo sannadkii 2013.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMaxaa wiiqaya awoodda CXD? 8 arrimood oo muhiim u ah dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Maxaa wiiqaya awoodda CXD? 8 arrimood oo muhiim u ah dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka

    1 November 2026

    Xasan Sheekh oo Uganda u sheegay inuu xilka ku waayi karo haddii ciidamada Uganda laga saaro Soomaaliya

    1 November 2026

    Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay howlihii xafiiska UNTMIS

    31 October 2026

    Maxaa iska beddelay qorshihii Uganda ee Soomaaliya? Taliyaha ciidamada oo tirtiray qoraalkii bixitaanka

    31 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay…

    By Banaadir241 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah ayaa…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Maxaa wiiqaya awoodda CXD? 8 arrimood oo muhiim u ah dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka

    1 November 2026

    Xasan Sheekh oo Uganda u sheegay inuu xilka ku waayi karo haddii ciidamada Uganda laga saaro Soomaaliya

    1 November 2026

    Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay howlihii xafiiska UNTMIS

    31 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay…
    • Maxaa wiiqaya awoodda CXD? 8 arrimood oo muhiim u ah dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka
    • Xasan Sheekh oo Uganda u sheegay inuu xilka ku waayi karo haddii ciidamada Uganda laga saaro Soomaaliya
    • Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay howlihii xafiiska UNTMIS
    • Maxaa iska beddelay qorshihii Uganda ee Soomaaliya? Taliyaha ciidamada oo tirtiray qoraalkii bixitaanka

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d